BALIGUBADLE MEDIA
Maxaa Keenay In Trump Hakiyo Booqasho Uu Wasiirka Arimaha Dibada Ee Dalkiisu Ku Tagi Lahaa Kuuriyada Waqooyi.
August 25, 2018 - Written by admin

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa joojiyay qorshe toddobaadka dambe uu xoghayaha arrimaha dibadda Mike Pompeo uu booqasho uga tegi lahaa Kuuriyada Waqooyi, qoraalo is xiga xiga uu kusoo qoray Twitter-ka ayuu Trump kaga cawday inaysan jirin horumaro laga gaaray qorshaha xukuumadda Pyongyang ee ku aadan burburinta barnaamijka Nukliyerka.
trump sax
Madaxweyne Trump wuxuu ku eedeeyay Shiinaha inaysan ka qayb qaadanaynin caawinta qorshaha burburinta nukliyerka ee Kuuriyada Waqooyi,sababtana wuxuu ku sheegay xiisadda dhanka ganacsiga ee xukuumada Washintgon kala dhexeeyso Shiinaha. Madaxweyne Trump ayaa sheegay in Pompeo uu booqan doono Kuuriyada Waqooyi marka xal laga gaaro ismari-waaga dhanka ganacsiga ee ka dhex taagan

Mareykanka iyo Shiinaha.

Horaantii bishan ayay ahayd markii Kuuriyada waqooyi ay mar kale si kulul ugu dhaliishay Mareykanka in uusan wali qaadin cuna-qabateynta saaran dalkaas.

Wasaaradda arrimaha dibedda ayaa sheegtay in dhankooda ay qaadeen tallaabooyin wanaagsan oo horseedi kara is af-garad, balse Mareykanku ay ilaa hadda sii amba qaadayaan waxa ay ugu yeertay “hadallada uu waqtigooda dhacay” ayna curyaaminayaan dhaq dhaqaaq kasta oo lagu raadinayo bur burinta hubka wax gumaada ee nuclear-ka.

Dalka Kuuriyada Waqooyi ayaa in muddo ahba la daalaa dhacaya cadaadis caalami ah iyo cuna-qabateyn uu Mareykanka beesha caalamka kaashanaya kusoo rogay kuwaasoo ay ku muteysatay barnaamijkeeda hubka nuclear-ka iyo gantaallada ay tijaabiso.

Hase ahaatee Mareykanka ayaa doonaya in hub ka dhigis buuxda oo nuclear ah lagu sameeyo waddankaas ka hor inta aan laga dul qaadin cuna qabateyta.

Madaxweyne Donald Trump iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa bishii June isku waafaqay in ay ka wada shaqeeyaan howsha ku saabsan sidii hubka nuclear-ka looga sifeyn lahaa gacamnka Kuuriya.

Balse faah-faahinta dheeriga ah ee heshiiskaas ayaan wali si buuxda usoo bixin – sidoo kalena Kuuriyada Waqooyi ayaan wali si rasmi ah u xaqiijinin in ay ka tanaasuleyso hubkeeda nuclear-ka.

Sources: BBC Somali.

COMMENTS