BALIGUBADLE MEDIA
Madaxweynaha Turkiga Oo Ku Dhawaaqay Hanjabaado Ka Dhan Ah Dhaqaalaha Maraykanka
August 12, 2018 - Written by admin

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa wacad ku maray inuu dhagaha ka fureysanayo handadaadda uga imaanaysa Mareykanka ee ku saaban xadhiga baadari ameerikaan ah oo Turkigu u haysto eedo la xidiidhaa argagixisanimo.

Erdogan ayaa Mareykanka uga digay in Turkigu uu diyaar u yahay in uusan ku ganacsan wax doolar ah.

erdogan

Arrintan ayaa timid kaddib markii madaxweyne Trump uu laba jibaaray canshuurta la saarayo birta iyo naxaasta Turkiga uu u dhoofiyo Mareykanka.

Mareykanka ayaa dalbanayay in la sii daayo baadarigaasi Turkiga u xidhan, balse Erdogan ayaa Washigton uga digay in xidhiidhkoodu aanu u sii xumaan sababo la xidhhiidha xadhia baadirigaas.

Madaxweyne Erdogan oo la hadlayay boqolaal qof oo isugu soo baxay magaalada Unye ee Waqooyi bari Turkiga ayuu u sheegay in ay khalad tahay in baadari dartii Turkiga jilbaha dhulka loo dhigo.

Waxa uuna intaasi ku daray in dalkiisa uu diyaar u yahay in baayacmushtarigiisu uu ku saleeyo lacag aan doolar ahayn uuna la baayacmushtaro dalal ay ku jiraan Shiinaha, Ruushka,Iiraan iyo Ukraine.

Erdogan ayaa ugu baaqay shacabkiisa in ay dalkooda taageeraan oo lacagaha qalaad ee ay haystaan ay ku bedeshaan liiraha dalkooda.

Dad badan oo Turki ah ayay durba saameysay hoos u dhaca ku yimid qiimaha lacagta dalkaasi ee liiraha, waxaana dad deggan magaalada Istanbul ay BBC-da u sheegeen in xaalad xun ay ku jirta lacagta dalkaasi Turkiga.

Source:-BBCsomali

COMMENTS