BALIGUBADLE MEDIA
Madaxweynaha Trump oo Danaynaya Kulan Khaas Ah oo uu La Qaato Madaxwaynaha Iiraan Xassan Rouhani
August 1, 2018 - Written by admin

Donald Trump ayaa ogolaaday in uu la kulmo hogaamiyeyaasha Iran, xillikasta oo ay doonayaan iyadon lagu xirayn wax sharuuda ah.

“Waxa aan la kulmaya cid kasta. Waxa aan aaminsanahay kulanka” madxweynaha Mareykanka ayaa sidaasi weriyeyaasha u sheegay isagoo ku sugan aqalka cad ee looga arrimiyo Mareykanka.

trump fataal

Isku daygan nabadeed ee Mr Trump ayaa imanaya kadib markii isaga iyo madaxweynaha Iran Hassan Rouhani uu midba midka kale si adag ugu digay bilowgii bishaan.

Bishii May, Mareykanka ayaa ka baxay heshiiskii niyukleerka ee Iran kadibna cunaqabateynadii caalmaga ahaa dib ugu soo celiyay Iiraan.

Washington ayaa maalmo gudohood isugu diyaarineysa in ay Tehran

dib ugu soo celiso cunaqabateynada, inkastoo ay ka soo horjeesteen UK, Fransiiska, Shiinaha, Ruuska iyo Jarmalka, kuwaas oo sidoo kale dhinac ka saxiixay heshiiska sanadkii 2015-kii.

Mareykanka ayaa shaki weyn ka muujinaya dhaq-dhaqaaqa ay Iiraan ka waddo bariga dhexe. Mareykanka ayaa xulafo la ah Sacuudi Carbiya iyo Israa’iil oo labaduba ah cadowga koobaad ee Iran.

Kulankan hadii uu qabsoomo waxa uu noqon doonoo kulankii ugu horeeyay ee u dhaxeeya hogaamiyeyaasha Iran iyo Mareykanka kahor tan iyo 1979-kii markii uu dhacay isbedelkii Iiraan.

Wax yar un kadib hadalka madaxweyne Trump, wasiirka arrimaha dibedda ee Mareykanka Mike Pompeo ayaa sheegay in uu taageeri doono kulanka waa haddii ay Iiraan muujiso in ay isbedel ku sameyneyso hab dhaqankeeda.

Maxay isku khilaafeen Mareykanka iyo Iiraan?

Mr Trump ayaa si adag uga hor yimid heshiskii niyukleerka Iran ee 2015-kii, kaas oo loo arkayay in Mareykanka uu fasixayo balaayiin doolar oo ay Iiran leedahay.
Maamulka Trump ayaa Iran u arka in ay awood u adeegsanayeso bariga dhexe si ay u maamusho. Iran ayaa boqolaal ciidankeeda ah iyo dagaalyahano mutadawiciin ah u dirtay dalkaasi Suuriya.
Wadamada Gacanka carbeed ayaa Iiraan ku eedeeyay in taageerto mucaaradka Xutiyiinta oo ay ka caawso hub iyo dhaqaalaba, inkastoo ay Iiran iska fogeeysay eedeymahasi.

Bishii May, Mr Trump ayaa heshiiska ku tilmaamay mid hal dhinac oo kaliya.

Waxa uu ku eedeeyay in heshiiska uusan xadidayn dhaq-dhaqaaqa Iiraan ee gobolka.

Iran ayaa ku doodeeysa in niyukleerkeeda uu yahay mid aan dhibaato keeneyn,kaas oo lagu xaqiijiyay heshiiska.

Iran ayaa ka mid ah wadadmada ugo soo saarista badan shidaalka dunida, taas oo dhoofiso shidaal u dhigma balaayiin doolar sanadkasta. Waxa ay durbadiiba dareemeysa cadaadis dhaqaale xumo. Sidoo kale waxaa hareeyay dibadbaxyo looga soo horjeedo sare ukac ku yimid badeecada iyo qiimaha lacagta oo hoos u dhacay.

Sources: BBC Somali.

COMMENTS