BALIGUBADLE MEDIA
Hargeysi Way Isku Habsaante, Halkay Gaadhi Karta, Higsigeedii Lagabaydhyoo, Habeen Bay Godaysaaye -
August 11, 2018 - Written by editor

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM.(S.C.W.R.W.B.)
Salaan khaas ahna bahda Baligubadlemedia iyo akhristayaashooda

HARGEYSI WAY ISKU HABSAANTE,HALKAY GAADHI KARTA,

HIGSIGEEDII LAGA BAYDHYOO,HABEEN BAY GODAYSAAYE,

HAATAN WAABA KA QUUSO,HAWLAHAY SUGAYEENOO,

HAB MAGAALO ILAWDAYOO,WARAABAHAW HOYANAAYA.

DADKEEDIIBAA HAGRANAAYEE,HIIL AYAW NOQONAAYA,

HARAADKII WAXA  DHEER,WADOOYINKII HOGOG WEEYE,

HABEEN DAA HADALKIISOO,HADH GALAAN LA MAREYN,

“Agency FB”,sans-serif;”>XASIHIISHKAA KU HORYAALO,CIDINA AANAY HARAYN.

DAWLAD HOOSE MA HAYSOO,HABAARBAA U DHAMAADAY,

HOGOSHUUN BAY KU JIRTAAYO,HAATAN WAA HADAL DEYS,

HEERYADA AWRKA LA SAARO,KII WAX HAYSTEY HAYAAN,

HORTOODU WAA U BANAANOO,BADANKOOD KA HULEELE.

HALKOOBE BIRIISHYOO,HALISTII BAY MARAYSAAYE,

HURDADA QAAR KA KACASHOO,HANBIRSHA KU WACNA,

HALYEEYADII UF MEESHAY,HALGANKII KA GALEEN BAY,

HADDEERTO AY MARAYSAAYE,IDINKOON HUBA QAADAN.

HAWLYARAAN HELIWEYNAY,WAXII AAN HIBANAYNAY,

HAYAANKA BAASHA KA RAACOO,BELEDKIINA HAGAJA,

ISKA XAADHA HORIINA,HOGAGGA CIIDA KU AASOO,

HAREERAANA KA MOOSOO,BIYUHU HOOS HA MAREN.

ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.

COMMENTS