BALIGUBADLE MEDIA
Gudoomiyaha Jaamacadda Hargeysa oo Xaruntii Jaamacadda Ka Dhigay Goob Laga Kireeyo Toweradda Shirkadaha Isgaadhsiinta
August 12, 2018 - Written by editor

Gudoomiyaha jaamacadda hargeysa ayaa mudooyinkan dambe bilaabay inuu Xaruntii jaamacadda ka dhigo hoy laga kireeyo toweradda shirkadaha isgaadhsiinta arintan oo ay si adag uga cawdeen arayda jaamacadda oo cabasho u gudbiyay maamulka jaamacadda balse markii dambe loo xaqiijiyay in shirkaduhu taawaradda jaamacadda dhaqaale ku siiyaan jaamacadda islamarkaana aan sinaba looga qaadin karin taawaradaas.

telesom

gudoomiyaha jaamacadda hargeysa ayaa u muuqda inuu laaluush iyo lacago aan loo baahnayn dhaafsado mustaqbalka ardayda dhigata jaamacadda kuwaas oo uu la soo doonto dhibaato dhinaca taawaradda ah

shirkadaha uu taawarkii labaad ka siiyay jaamacadda waxa kamida shirkadda telesom taas oo aan la garanayn sababta uu gudoomiyaha jaamacadda hargeysi halista intaas leeg u galinayo caafimaadka iyo mustaqbalka ardaydaas

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS