BALIGUBADLE MEDIA
Guddoomiyihii Baarlamaanka Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia oo Is Casilay
August 19, 2018 - Written by admin

Guddoomiyihii Baarlamaanka Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia Maxamed Isaaq ayaa lagu soo waramayaa in uu xilkii iska casilay.

Maxamed Isaaq oo in muddo ah ku safar ku Joogay Magaaladda Addis ababa ayaa culays xoog leh lagu saaray sidii uu isaga casili lahaa xilkaasi, waxaana ugu danbayn uu go’aamiyay in uu xilkaasi ka dego.

gudoomiyaha xisbiga dimuqraadiga ddsi

Sidoo kale waxa laga tuuray xubinimadii xisbiga xukuma dawlad deegaanka soomaalida Ethiopia iyo Gudida fulinta ee xisbigaasi oo uu ku jiray.

Dhinaca kale masuuliyiin kale oo iyaguna ku jiray xisbigaasi ayaa iyana xilalkii ay kahayeen iyo xubinimadiiba laga xayuubiyay.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS