BALIGUBADLE MEDIA
Degdeg: Xukuumadda Muuse Biixi oo Dawladda Federaalka Ethiopia U Dhiibaysa Wasiiro Dawladii Madaxwayne Cabdi Maxamud Cumar Ka Tirsanaa oo Hargeysa Lagu Qabtay
August 24, 2018 - Written by admin

Laba wasiir oo ka tirsanaa xukuumaddii Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya ee uu hoggaaminayay Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa lagu xidhay magaalada Hargeysa.

breaking news
Labadan wasiir oo kala ah wasiirkii waxbarashada Ibraahim Aadan Mahad iyo wasiirkii caddaaladda Cabdijamaal Axmed ayaa lagu eedeeyay inay sharci-darro ku galeen ugana dhoofi rabeen Somaliland.

Saraakiil ka gaabsaday in magacyadooda la sheego oo ka tirsan Laamaha Amaanka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ay xidhan yihiin Labadaasi Wasiir.

wararka baligubadlemedia helayso ayaa intaas ku daraya in xukuumadda somaliland dawladda federaalka ethiopia gacanta u galinayso labadan wasiir ee lagu qabtay madaarka hargeysa arintan oo aan ilaa hadda la garanayn sababta ku kalifaysa

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS