BALIGUBADLE MEDIA
Degdeg: Madaxwayne Biixi oo Seefta La Dhex Qaaday Qaar Kamida Masuuliyiinta Xukuumadiisa
August 13, 2018 - Written by editor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-179/082018, uu maanta ku magacaabay masuuliyiin cusub.

majaalilayste muuse
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Markaan Arkay:         Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay:         Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

style=”text-align: justify;”> In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiintan:

Tir

Magaca

Xilka

1.

Baashe Cawil Cumar

Wakiilka Somaliland ee Dalka Kenya

2.

Xasan Hirad Yaasiin

Wakiilka Somaliland ee Dalka Imaaraadka Carabta

3.

Bashiir Sheekh Cumar Good

Wakiilka Somaliland ee Dalka Maraykanka

4.

Cabdillaahi Cabdi Cali (Dhakaar)

Ergayga Gaarka ah ee Somaliland u qaabilsan Urur Goboleedka Horumarinta iyo Xidhiidhka Bulshada Bariga Afrika (EAC)

5.

Xasan Axmed Ibraahin (Embassy)

Maareeyaha Haamaha Kaydka Shidaalka Qaranka

Waxaan uga mahadcelinayaa muddadii uu hayey xilka Qaranka Wakiilkii hore ee Somaliland u fadhiyey Dalka Maraykanka Mudane, Rashiid Maxamed Nuur (Gaaruf)

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

COMMENTS