BALIGUBADLE MEDIA
Cali Sandule oo Xaaladiisa Caafimaad Laga Dayrinayo + Muuse Biixi oo Amar Ku Bixiyay In La Hakiyo Kharash Dawladdu Ugu Diraysay Dhkahtar Dibadeed
August 24, 2018 - Written by admin

Cali sandule oo xilal kala duwan ka soo qabtay dawladihii kala dambeeyay ee somaliland islamarkaana ah shakhsi taariikh badan jamhuuriyadda somaliland iyo qorshayaashii gacanta dawladda loogu soo celiyay deegaano badan oo bariga somaliland ah ayaa xaaladiisa caafimaad aad u liidataa isagoo ku darxumaysan caasimadda hargeysa.

calisandule

madaxwayne biixi ayaa 4 bilood kahor hakiyay kharash loogu tala galay in lagu geeyo cisbitaal dibadeed kaas oo ay bixinaysay dawladdu

muuse bixi ayaan ilaa hadda wax isbedela aanay kusoo kordhin madaxwaynenimadu waxaanu yahay uun muusihii waligiiba la yaqaanay ee ciil qabka iyo aargoosiga u saaxiibka ahaa balse waxa is waydiin mudan inaan wali muuse biixi garan imtixaanka aduun islamarkaana uu mooganyahay in xanuunka alle keeno bari ka maalina uu isaga haleeli karo sidaas awgeedna aanay ahayn in qofku marka uu xanuunsanayo laga aarsado

isku soo wada duuboo cali sandule ayaa hadii uu caawa ku geerioyoodo hargeysa u dhimanaya aarsiga kornayl muuse biixi oo nidar ku maray inaan lacagta dawladda dhakhtar loogu diri karin cali sandule

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

 

COMMENTS