BALIGUBADLE MEDIA
Yuusuf Garaad oo Ka Hadlay Xafiisyo Ay Dawladda Kenya Ka Furanayso Magaalooyinka Kismaayo Iyo Hargeysa
July 11, 2018 - Written by admin

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa xukumadda Farmaajo ku canaantay in aanay dalal badan ka furan safaaraddo halka dawladda Kenya ka furanayso Hargeysa iyo Kismaayo xafiisyo xidhiidhka iyo danahooda ka shaqeeya.

yuusuf garaad

Dawladda Kenya ayaa dhawaan shaacisay in ay magaalada Hargeysa ka furanayso xafiis sidoo kalena magaalada Kismaayo ee caasimadda maamulka Puntland ka furanayso xafiis. Ganacsatada qaadka ee Kenya ayaa si weyn ugu ololeyn jiray xidhiidhka Hargeysa iyo Nairobi halka Kismaayo lagu xanto in ay tahay maamul si dhaw ula shaqeeya Kenya.

Qoraal uu soo saaray Yuusuf Garaad ayaa u dhigan sidan:-
Kenya waxay Afrika iyo Asia ka fureysaa 16 Xafiis Ergo-Diblomaasiyadeed oo hor leh. Waxay isugu jiraan Safaarado midkood laga furayo caasimadda Djibouti, Qunsuliyado iyo laba xafiis oo ay ka fureyso Hargeysa iyo Kismaayo.
Diblomaasiyiin culus oo lix ka mid ah ay hore u ahaan jireen Wasiirro ayaa qaban doona xilalkaas, sida ay ay qorayaan Wargeysyadu.

Dhankeenna Soomaaliya dhowr iyo tobanka Safaaradood ee Danjire laawayaasha ah waxaan rajeynayaa in iyagana dhowaan la buuxin doono oo labada mas’uul ee waaxda Fulinta ee dalka ugu sarreeyaa ay howlmaalmeedkooda mashquulka ah ay ku darsan doonaan magacaabidda Danjirayaal na matala.

Xiriirka laba waddan ka dhexeeya meesha ugu horreysa ee laga akhrisan karo waa wejiga uu leeyahay xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal. Safaarad sannad ku-dhowaad amaba ka badan ahayd Danjire la’aan, iyo Safaarado ku yaal caasimado muhiim ah laakiin aan xataa hal diblomaasi joogin ma ahan sida ugu qurxoon ee lagu kobciyo xiriir wax wadaqabsi oo laba dal dhex mara.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS