BALIGUBADLE MEDIA
Siyaasi Ismaaciil Buubaa Oo Weerar Ku Qaaday Dawladihii Axmed Siilaanyo Iyo Marxuun Cigaal, Tallo-na U Jeediyey Muuse Biixi
July 20, 2018 - Written by admin

Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa ayaa eedaymo u jeediyey xukuumadihii Axmed Siilaanyo iyo alle haw naxariistee Cigaal kuwaas oo uu sheeayinay masuul ka ahaayeen kala qaybsanaanta bulshada iyo dhibaatooyinka la kala tirsanayo.

Siyaasi Ismaaciil Buubaa ayaa wakhti uu ka hadlayey shir jaraa,id oo uu ku qabtay Hargeysa, waxa uu madaxweyne Muuse Biixi ugu baaqay inuu maro jidkii ay mareen xukuumadahaasi, isaga oo u soo jeediyey inuu ka daba tago hanti uu sheegay inay xukuumadahaasi ka dhaceen bulshada.

buubaa

Siyaasi Ismaaciil Buubaa ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Xurguftaasi wax dhibaato ah oo Aniga iyo Muuse na dhex yaalaa maanta jiraan, haa,Halgan ayaanu soo wada galnay,waa jireen Mawaaqif

kala duduwan oo Anigu Ra’yi aan lahaa Muuse-na Ra’yi lahaa,laakiin Maanta arimahaasi ma taagna,sidee ayaa hore loogu socdaa ayay arintu taagan tahay,aniguna Ra’yigayga waan ka cadaynayaa maanta halkan wixii ay wax ku hagaagi lahaayeen oo dhan,diyaar ayaan u ahay inaan wixii aniga igag beegan aan qabto,arimihii ugu dambeeyay ee ku saabsanaa 1994-kii Iyo Xurguftii Somaliland dhexdeeda ka dhacday,aniga waxay illa tahay wakhti hore looga socdo ayaa la joogaa”.

Waxa kale oo uu yidhi“Shirkaasi Garxajis ee Buurta Gacan libaax lagu soo qaatayna runtii Qodobada haddii aad u fiirsato diyaar ayaa loo yahay in hore loogu socdo,haddii ay Dhibaato jirtay oo ay dhacday runtiina in laga gabado maaha,Dhibaatooyin haddii ay dhaceen Dawladii Cigaal iyo dawladii Siilaayo ayaa ugu badnaa waxa dhibaatooyinkaasi keenay,Muuse Biixi Xaq ayaanu ugu leenahay inaanu nidhaahno dhibaatooyinkii miyaad sii wadaysaa mise diyaar ayaa u tahay inaad ka baxdo,oo aad Saxfad Culus bilawdo,diyaar ayaa loo yahay,Dadku waa u diyaar,markaa arimihii hore inaan ku gabanno maaha,maanta Umaddani waxay u baahan tahay Horumar dhaqaale,Horumar Siyaasaddeed iyo inay la jaan qaado isbadelka ka socda Mandaqada Illaahay inagu wada abuuray,oo waliba si weyn Caalamka oo dhami u soo eegayo,markaa aniga iyo Muuse labadayadaba sandule ayay ku tahay inaanu arimaha la jaan qaadno”.

Ugu dambayn waxa uu yidhi“Dhinaca Gudidan aanu halka wada fadhinana,anagu waxa aanu doonaynaa in hore loo socdo,in wax la qabto in wixii dhibaatooyin ah ee hore ee dhacay aan laga gaban ee runtooda loo sheego, waynu ogsoonnahay hantidii Umaddani lahayd halka ay martay,Cidda Qaadatay iyo Sidii loogu takrifalay,Muuse Waxaa looga baahan yahay Inuu ku Dhiirado,Oo Qaarbaaba Suuqa soc socda oo ay Hantidiina ku wada maqantahaye,Dee uu ka soo celiyo”.ayuu hadalkiisa ku soo gaabiyay.

 Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS