BALIGUBADLE MEDIA
Magacyadda Beelaha Lagu Soo Marti Qaaday Shirka Buurta Gacan Libaax
July 1, 2018 - Written by admin

Buurta Gacan Libaax ayaa waxa maanta gelinkii hore lagu soo gunaanaday shir ay in muddo ah uga socday Mid ka mid ah beelaha Magaca ku leh Somaliland.

news

Shirkan oo intii uu socday lagaga hadlayay aayaha Beelahaasi iyo qaranimada Somaliland ayaa waxa laga soo saaray gunaanadkiisii  8 qodob.

Gudida qabanqaabadda ee shirkaasi ayaa Maalintii jimcihii ku soo marti qaaday Madax dhaqameedka Beelaha Somaliland dega badhkood.

Madax dhaqameedka Beelaha lagu soo marti qaaday ee shirkaasi ka qayb gashay ayaa kala ahaa.

1-      Madax dhaqameedka Beelaha Harti

2-      Madax Dhaqameedka Beelaha Gabooye

3-      Madax dhaqameedka Beelaha Samaroon

style=”font-size:16px;”>4-      Madax dhaqameedka Beelaha Ciise

5-      Madax dhaqameedka Beelaha Warsangeli

6-      Madax dhaqameedka Beelaha Magaado

7-      Madax dhaqameedka Beelaha Ayuub

8-      Madax dhaqameedka Beelaha Arab.

9-      Madax dhaqameedka Beelaha Sheekhaal

Madax dhaqameedka beelahan ka qayb Galay shirkaasi ayaa Khudbadihii ay halkaasi ka soo jeediyeen ku sheegay in ay la dhacsan yihiin qodobada ka soo baxay shirkaasi iyo waliba natiijadda ka soo baxday.

Waxa ay u balanqaadeen in ay la shaqayn doonaan Beelahaasi uu shirku u soo dhamaaday isla markaana ay ka markhaati furayaan in ay ka mid yihiin beelaha salka u dhigay qaranimada, sidoo kalena tiir dhexaadka u ah.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS