BALIGUBADLE MEDIA
Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo Kulan La Qaatay Qaar Kamida Culimadda Waawayn ee Dalka oo Ka Ergaynaysa Colaada Ceel Afwayn
July 10, 2018 - Written by editor

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland iyo wafdigiii uu hogaaminaayay ayaa kulan ballaadhan la qaatay Culimada ugu caansan dalka Somaliland oo magaalada ceel-afweyn u yimi sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen nabadaynta dadka deegaankaasi  ku wada nool.

kilo

Wafdiga Madaxweyne ku-xigeenka iyo Culimada ayaa si weyn uga wada hadlay sidii loo dhamayn lahaa colaadani, islamarkaana aanay dib ugu soo noqon lahaydn deegaanka, waxaana kulankaasi lagu faa-qiday qaababka loo xalin karo nabad-galyo daradda deegaanka ka jirta.

Culimada ayaa Madaxweyne ku-xigeenka u ballan qaaday inay doorkooda  u qaadan doonaan si hufan oo hanaansan islamarkaana ay ku sar goynayaan diinta Islaamka iyo garsoorkii Rasuulka NNKH.

Culimadaasi oo  ay kamid ahaayeen Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, Sheekh Ismaaciil Dheeg, Sheekh Suufi, Sheekh Cabdilaahi Xaashi Bar-baraawi, Sheekh Cismaan, Sheekh Cabdilaahi Cali Jawhar  iyo Culimo kale oo caana.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS