BALIGUBADLE MEDIA
Madaxwayne Gaas oo Ka Muquurtay Kulan uu La Qaato Koox Siyaasiyiin Iyo Salaadiin Iskugu Jirta oo Muuse Biixi Ergo Ugu Diray Garoowe
July 14, 2018 - Written by admin

Madaxweynaha maamul gobolleedka Puntland ayaa waxa la sheegay in uu diiday in la kulmo madaxdhaqameed iyo ganacsato reer Somaliland ah oo Maalmihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland.

cabdiweli gaas

Waxgaradkan reer Somaliland oo aan ujeedada safarkooda war rasmi ah laga haynin, ayaa la sheegay inay Garowe u tageen sidii dagaalkii Tuko-raq ka dhacay loogu dhammayn lahaa wada hadal islamarkaana looga dheeraan lahaa in dagaal dambe jiidaas ka qarxo.

Odayaashan oo isugu jira Salaadiin iyo ganacsato ayaa waxa la sheegay inay dhawrkii maalmood ee ay halkaas joogeen kulamo la yeesheen madaxda dhaqanka iyo ganacsatada reer Puntland oo ay ka wada sheekaysteen sidii colaadaas Tuko-raq loogu dhammayn lahaa nabadgelyo.

Madaxweynaha Maamulka ayaa waxa uu maanta safar ugu baxay magaalada Brussels ee caasimada Belgimka halkaasi oo la sheegay in uu kaga qeyb-galayo shirka arrimaha soomaaliya ee lagu wado in uu maalinta beri ah ka furmo.

Lama oga in odayaashani safarkooda ku wargeliyeen xukuumadda Somaliland, waxase ay wararka xog-ogaal ahi sheegayaan in xukuumadu ka war qabtay socdaalkooda nabadeed. Waxgaradkan oo ka kooban 7 xubnood, waxa la filayaa inay maanta ku soo laabtaan magaalada Hargeysa, iyagoo wata diyaarad gaar ah oo ay ku tageen kagana soo noqdeen Garowe.

Magacyadooda ayaa kala ah:
Suldaan Maxamuud Guuleed Mire
Suldaan Maxamuud Xaaji Xuseen
DR. Axmed Aadan Buuxane
Ganacsade Jamaal Caydiid Ibraahim
Ganacsade Cismaan Baane
Ganacsade Xasan Yuusuf
Siciid Aadan Guuleed

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS