BALIGUBADLE MEDIA
Golaha Aqalka sare Soomaaliya oo ka doodaya sharciga Naafada Qaranka
July 24, 2018 - Written by admin

Kulan looga doodayay dardar-galinta iyo ansixinta sharciga Naafada Qaranka oo lagu qabtay xarunta Aqalka sare ayaa waxaa ka qeyb-galay xubno ka socday Ururrada Naafada iyo guddoonka Aqalka sare.
gudoomiyaha aqalka sare somaliya
Cabdullaahi Macalin Axmed oo ku hadlay afka Naafada Qaranka ayaa ka sheekeeyay Taariikhda Naafada Qaranka ay soo mareen, waxaana uu Aqalka sare uu ka codsaday in ay arkaan Qoraalka hindise sharciyeedka hay’adda daryeelka naafada.

“Naafada qaranka waxay lahaayeen guryo ay degaan, goobo ay wax ku bartaan, tan kale hindise sharciyeedka golaha daryeelka naafada waxaan u baahanahay in aan aragno inta aan la ansixin, ee Hay’adda daryeelka naafada la samaynayo madaxdiisa ma la magacaabayaa mise doorasho ayay ku imaanayaa”ayuu yiri Cabdullaahi Macalin Axmed.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa sheegay in Baarlamaanka sharci uu sameynayo ayna ku dadaali doonaan samaynta sharci u dooda xuquuqda naafada oo ay talooyin badan ku yeelan doonaan.

“Baarlamaanka wuxuu sameynayaa sharci ilaaliya xuquuqdiina balse ku dadaala in aad noqotaan dad mid ah oo isku duuban”

Dhawaan ayeey Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya ansixyeen xeerka dhismaha Hay,adda daryeelka naafada waxaana loo gudbiyay Golaha Shacabka BFS iyadoo ugu danbayna loo gudbin doono golaha aqalka sare Baarlamaanka Soomaaliya marka ay meel mariyaan loo gudbin doono madaxweynaha dalka.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS