BALIGUBADLE MEDIA
Faahfaahin Ku Saabsan Kulankii Todobaadkan Qasriga Madaxtooyadda Ku Dhex Maray Proff Buubaa Iyo Muuse Biixi
July 12, 2018 - Written by admin

Kulan la sheegay in uu codsaday madaxweynaha Somaliland ayaa 10kii bishan July waxaa uu dhex maray Siyaasi Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Kulanka dhex maray madaxweynaha iyo Siyaasi Buubaa oo ka qabsoomay guriga madaxweyne Biixi ayaa waxaa lagaga wada hadlay saddex qodob oo kala ah;

1- Madaxweynaha ayaa Siyaasi Buubaa ka codsaday in uu kala shaqeeyo xidhiidhka Itoobiya iyo is-badallada cusub ee ka curtay mandaqadda Geeska Afrika.

2- Xiisadda Tukaraq iyo Arrimaha beesha caalamka sidii loo darsi lahaa

3- Shirkii dhawaan Buurta Gacan-libaax ugu soo dhamaaday beesha Garxajis, iyadoo Buubaa uu madaxweynaha u sheegay in uu la qabo beeshiisa qodobadii kasoo baxay shirkaasi isla markaana wixii ku saabsan shirkaasi uu kala hadli karo guddida beesha.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS