BALIGUBADLE MEDIA
Dawladda Imaaraadka oo ka Hadashay Maalgelinta Dekedda Berbera, Shuruudna ku Xidhay Cilaaqaad ay la Yeeshaan Soomaaliya –
July 30, 2018 - Written by admin

Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta  Dr. Anwar bin Mohammed Qarqaash, ayaa ka hadlay dhexdhexaadin laga dhex wado dawladdiisa iyo dawladda taagta-daran ee Soomaaliya kadib khilaafkii kala kaxeeyey ee salka ku hayey heshiiska dhexmaray Somaliland iyo UAE ee ku saabsan maalgelinta shirkadda DP WORLD ku horumarinayso dekedda Berbera.

qarqaash

Mr Qarqaash oo ka jawaabaayey su’aal laga weydiiyey horumarinta ay shirkadda Dp World ka waddo dekedda Berbera xili uu khudbad ka jeedinaayey mac-hadka Policy  Exchange oo ku yalaa dalka Ingiriiska ayaa waxa uu yidhi “Anaga muhiimadayadu waa sidii gobolku u heli lahaa xarun dhinaca qaybinta alaabooyinka ah anaga oo ka faa,iidaysanaysa khibrada balaadhan ee aanu u leenahay dekedaha,

waxaanan haynaa suuq balaadhan oo Itoobiya ah” Anwar Qarqaash oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Marka aan u soo noqdo mashruuca dekeda magaalada Berbera waxaanu hore uga wada hadalnay somaliland balse dawlada soomaaliya ayaa is tustay wax ka duwan wixii aanu halkaas ka wadnay sababo dhawr ah dartood taas oo ay ka mid tahay saamaynta ay dawladaha carbeed ku leeyihiin gobolka sida sucuudiga iyo xulafadiisa.”

Sidoo kale Anwar Qarqaash ayaa soo bandhigay shuruud ay ku xidheen heshiis laga gaadho khilaafka u dhaxeeya soomaaliya waxaanu yidhi “khilaafka noo dhaxeeya anaga iyo soomaaliya waxa jirta waan waan laga wado in xal laga gaadho balse waxaanu dalbanaynaa inay soomaaliya raali gelin ka bixiso sidii ay ula dhaqantay lacagtii sagaalka milyan iyo dheeraadka ahayd ee loo waday ciidamada taas oo dawlada federaalka ahina ay uga hawl gashay si aan wanaagsanayn.”

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS