BALIGUBADLE MEDIA
Dawladda Sucuudiga oo Xabsiga U Taxaabtay Mid Kamida Culimadda Waawayn ee Dalkaas
July 15, 2018 - Written by admin

Wadanka Sucuudiga, warar la helayo ayaa sheegaya in Maamulka Aala Sucuud uu xabsiga dhigay, mid kamid ah culimada wadankaas iyo carruur uu dhalay.
Sheekha la xidhay ayaa lagu magacaabaa Safr AlXawali, waxa uuna ahaa 68 sano jir kaas oo la sheegayo in xaaladdiisa caafimaad aysan  wanaagsaneyn.

sheekha
Ciidanka Sirdoonka Maamulka Aala Sucuud ayaa sheekha ugusoo galay gurigiisa iyagoona halkaas kaga qaatay gaari Ambalaas ah, taas oo muujineysa in ay si wacan ula socdeen in xaaladiisa caafimaad ay liidato.
Dadka deegaanka ayaa soo wariyey in ciidanka oo ahaa kuwo si aad ah u hubeysan ay qoryo ku qabteen ehellada Sheikha, iskuna hareereeyeen gurigiisa oo idil, kadibna ay ku riteen gaadhigii ay wateen iyagoona u kaxeeyey mid kamid ah xabsiyadooda ku yaala Magaalada Riyaadh oo ah caasimada wadanka Sucuudiga.
Sidaas si lamid ah ciidamo kale oo wajiyada u xidhan yihiin kana tirsan maamulka Aala Sucuud ayaa xoog ku galay guri uu deganaa nin la dhashay sheekha oo lagu magacaabo Sacadullaah illaa hadana la oga halka ay ula dhaqaaqeen.
Intaas kuma simane galabkii khamiista isla galabkii khamiista ayay hadane markale weerareen guri uu ka jiray aroos oo ay ku sugnaayeen laba wiil oo sheekha uu dhalay, kuwaas oo magacyadooda lagu kala sheegay Cabdaallahi iyo Cabdi Raxmaan, waxa ayna ku kaxeysteen qoriga caaradiisa kadib markii dadkii ehelada ahaa ay isku dayeen inay wiilasha ka reebaan.
Warar laga helayo dhanka ehelada Shekha la xidhay ayaa sheegaya in Sh. Safr Alxawali waayadanba uu iska xanuunsanayey, sidaas ay tahayna maamulka aala sucuud ay ku xireen xabsi ku yaala magaalada Riyaadh, ayna u diideen in eheladiisa ay ogaadaan xaalada u kusugan yahay.
Ehelladu waxaa kale oo ay sheegeen in aysan aqoon halka ay ciidanka Sacuudiga u qaaten wiilasha sheikh iyo walaalkisa balse ay u badaniyaan inay kujiraan mid kamid ah xabsiyada Maamulka Daaguudka ah uu kuleeyahay Magaalada Jiddah.
Baraha Bulshada ayaa xarigga sheekha si aad ah looga hadal hayaa waxaana la sheegaya in Maamulka Ala Sacuud Sheikha ay ku heystaan kitaab uu dhawaan qoray oo loogu magac daray (Al Muslimuun wal Xadhaaratul Gharbiyah).
Kitaabkan oo gaaraya illaa seddax Kun oo Page ayuu sheekhu kaga hadlay waxa hadda kasocda wadanka Sacuudiga ee ay ku kacayaan qoyska talada wadanka haya  ee Aaala Sucuud iyo dhaqaalaha faraha badan ee Salmaan bin cabdil caziiz uu siiyey Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump.
Kitaabka cusub ayuu sheekho talooyin iyo naseexooyinba ku siiyey culimada, ducaada iyo qoyska talada wadanka sacuudiga haya, kuwaas oo u kula taliyey inay garab istaagaan awoodda soo koreysa ee leh Mustaqbalka, oo aysan garab istaagin awoodda ku dhisan dhaldhalaalka ee guurista qarka usaaran, waxa uu yiri maanta qofkii indha indheeyo waxa ka socdo caalamka waxaa kuuso baxeysa in Islaamku uu leeyahay Mustaqbalka, Americana awoodeedo ay tahay mid sii guureysa oo heysa dhabihii Dib u noqoshada.
Xariga sheekha ayaa kusoo aadaya xilli wadanka Sucuudiga uu ka soconayo isbedel weyn oo islaam la dirir ah kaas oo lagu doonayo in wadanka looga hir galiyo ku dhaqanka calmaaniyad barax tiran, talaabadaas oo uu hor boodayo dhaxal sugaha wadanaasi Maxamed Bin Salmaan.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS