BALIGUBADLE MEDIA
Dagaal Markale Dib Uga Qarxay Beelaha Lagu Heshiisanayo Ceel Afwayna Khasaaraha Ka Dhashay Iyo Wararkii U Dambeeyay.
July 24, 2018 - Written by admin

deegaanka Ceeryaan oo dhanka koonfureed kaga beegan magaalada Ceerigaabo sidoo kalana dhinaca bari kaga beegan tahay Ceel-afweyn ayaa waxaa ka qarxay dagaal u dhaxeeya laba beelood oo wada daga halkaasi.

breaking news

Dagaalkan saaka subixii qaray ayaa sababay dhimashada 3-qof ilaa hada waxaana jira dhaawac laakiinse tiro ahaan lama hayo weli.

Dagaalkan  ayaa udhaxeeya laba ardaa oo katirsan beelaha Ceelafwayn heshiis kooda loo fadhiyo  Iyadoo Khilaaf Mudo Soo Jiitamaayey uu Jiro sida uu xaqiiyay wariyaha Hadhwanaagnews ee magaalada Ceerigaabo

Sidoo kale waxaa ka hadlay dagaalkan saaka  dhacay Wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland Boos Mire Maxamed iyo Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) oo sheegay in hada dagaalku istaagay ayna kala dhex galeen labadii ardaa ee dagaalamayay ciidamada qaranka Somaliland.

shalay ayuunbay ahayd markii la dhaariyey beelihii Ceel afweyn ku dagaalamay oo heshiisiintoodiina weli loo fadhiyo.
isku soo wada duuboo dagaaladda soo noqnoqday ee ka qarxa deegaanadda ceel afwayn ayaan la saadaalin karin halka uu ay ku dhamaan karaan iyadoo wali loo fadhiyo isla deegaankaas daminta colaadahan ayaan hadana ilaa hadda wadahadaladaasi wax isbedela ka keenin colaadaha soo noqnoqanaya ee ka qarxaya deegaanadaas

wixii war ah ee damba kala soco Baligubadlemedia

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS