BALIGUBADLE MEDIA
Dagaal Ceel-afweyn ku dhexmaray Ciidamada Somaliland & Maleeshiyo Hubaysan oo ka soo jeeda Beesha Bariga Burco+Khasaaraha Dhimasho & Dhaawac
July 1, 2018 - Written by admin

Degmadda Ceel Afweyn oo ka tirsan Gobolka Sanaag ayaa waxa lagu soo waramayaa in ciidamada Qaranka Somaliland uu hal qof kaga dhintay, laba kalena ka dhaawacmeen ka dib markii dablay hubaysan ay is weydaarsadeen Rasaas.Dablaydan oo marka hore weerar ku qaaday Baabuur Jaad u siday Magaaladda ayaa iyagana waxa ka dhaawacmay laba qof.

news

Ma jiro Khasaare intaasi ka badan, hasayeeshee xaaladda ayaa mar qudha cirka isku shareertay, maadama Deegaanka Ceel Afweyn Marka horeba ay ka jirtay Sansaan Colaadeed, ka dib dagaal laba beelood oo halkaasi wada dega uu dhawaan dhex maray.

Dablaydan Hubaysan ee ay ciidanka Qaranka Rasaasta Isweydaarsadeen ayaa ka
soo jeeda Beesha Bariga Magaaladda Burco, waxaana sida wariye madax banaan oo ku Sugan magaaladda Ceel Afweyn uu Warbaahinta u sheegay ay dablaydaasi rasaas ooda kaga qaadeen Baabuur marka horeba jaadka u keeni jiray Magaaladda, Hasayeeshee Ciidamada Qaranka Somaliland oo Magaaladda Loo Keenay in ay kala dhex galeen labada beelood ee dirirtu u dhaxayso ayaa iyaguna ugu jawaabay rasaas.

Si kastaba ha ahaatee xiisada ayaa degan, mana jiro wax danbe oo khasaare ah oo halkaasi ka dhashay.

Labadii Xukuumadood ee ee ka dhashay Xisbiga Kulmiye intii ay jireen dhawr jeer ayay Deegankan dagaal uu ku dhex maray labada Beelood ee wada dega, hasayeeshee iminka waxa socoto qorshe xal loogu raadinayo labadaasi beelood ee walaalaha ah.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS