BALIGUBADLE MEDIA
Salaantii Taariikhda Gashay ee Madaxwaynayaasha Trump iyo Kim
June 12, 2018 - Written by admin

Donald Trump ayaa noqday madaxweynihii u horreeyay ee Maraykan ah ee isaga oo xil haya la kulma hogaamiye dalka Kuuriyada Waqooyi, arrintan ayaa imanaysa ka dib markii uu kulan la qaatay Kim Jong-un, waana mid aan horray loo filaynin ka dib sannad ay isu goodiyayeen.

Labada masuul ayaa isku salaamay huteel qaali ah oo ku yaalla jasiiradda Sentosa ka hor intii aysan wada hadalka billaabin.

Trump ayaa sheegay “in horrumar badan la sameeyay|” wuxuuna sheegay in uu dhawaan ka qayb gali doono xalfadda kala saxiixashada ee Kim.

Waxay ka wada hadlayaan dabcinta cunaqabataynta iyo baabi’inta hubka nukliyeerka ah.

Si kastaba ha ahaatee, ma cadda waxa labada masuul ay kala sixiixan doonaan.

Dadka arrimahan falanqeeya ayaa ku kala duwan waxa shirkan ka soo bixi doona. Dadka qaar waxay u arkaan in kulankani uu yahay guul borobogaando oo uu gaaray Kim, kuwo kalana waxay u arkaan in jidkii nabadda cagta la saaray.
Siday u dhacay arrintan taariikhiga ah

Labadan nin ayaa isku soo dhaqaaqay si saani ah ayayna gacmaha isu luxeen iyaga oo hortaagan calammada Maraykanka iyo kuwa Kuuriyada Waqooyi.

Trump ayaa gacantii kale ku taabtay Kim iyaga oo ku taagan roog guduudan erayo kooban ayayna is waydaarsadeen, ka hor inta aysan u jeedsanin dhanka saxaafaddii kulankooda isugu soo arruuray.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa saadaaliyay “in xiriir wanaagsan” uu dhexmari doono hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi.

Wax yar ka dibna way is hareer fariisteen iyaga oo deganaan ka muuqato kana duwan sidii la filayay, ka hor intii uusan dhex marin kulan aan lagu wehelinin.

“Ma sahlanayn in aan halkan soo gaarno,” ayuu yiri Kim, waxaa jiray caqabado waana ka soo gudubnay,” dhigiisa ayaa markaas ku jawaabay “waa run”.

Labada masuul waxaa weheliyay tarjumaanno waxayna wada hadleen ilaa afartan daqiiqo, intaas ka dibna waxaa ku soo biiray ergo kooban oo la taliyeyaal ah iyaga oo ka dibna qado shaqo cunay.

bbc

COMMENTS