BALIGUBADLE MEDIA
Madaxweyne Waxa Lagaa Filayay Inaad Gollaha Deegaanka Ee Caasimadda kala Dirto Ama Aad La Xisaabtanto Balse Midna Maad Samayn –
June 7, 2018 - Written by admin

Shantii sano ee u danbeeyay shacabka caasimadu qaylo dhaan tii ugu saraysay ayay u jeedinayeen xukumadii Siilaanyo iyo Xukumada Madaxweyne Muuse Biixi  Cabdi taasi oo ku saabsanayd inay caasimadii gacanta u gashay dad waxma garata ah oo aan caqli iyo garaad toona lahayn balse fikirkoodu aanu dhaafsiinayn calooshooda. Shacabka Caasimada rajo xoog leh ayaa gashay markii la doortay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxayna ka filayeen inuu xogogaal u yahay xaalka caasimada iyo sida cashuurtii umada  loogu tagri falayo ee aan waxba loogu qabanaynayn shacabka.

Mudo Laba bilooda ayay shacabku sugayeen inuu Madaxweynuhu wax ka qabto cabashada  shacabka balse markii danbe shacabku waxay

ololeyaal lagaga soo horjeedo Gollaha Deegaanka ee Caasimada ka bilaabeen social mediaha iyo saxaafada guud ahaan, baaqyadaas oo xukumada lagaga codsanayo inay wax ka qabato arrinta caasimada. Waxay laga filayay Madaxweynaha inuu afar arrimood midkood qaadan doono si wax looga qabto cabashada shacabka iyo dhibatada ka jirta caasimada, Waa ta koowaade, inuu  madaxweynuhu dhegaysto cabashada shacabka caasimada oo uu kala diro Gollaha Deegaanka ee Caasimada, Waa ta labaade, Inuu ku dhiiri geliyo  Gollaha Wakiiladu inay  mooshin ka keenaan Gollaha Deegaanka ee Caasimada si loo kala diro, Waa ta sedexaade, in Shacabka loo ogolaado inay keenaan saxeexyada Shan kun oo muwaadin oo ku nool caasimada si loo kala diro sida sharcigu tilmaamayo, Waa ta afraade, inuu  Madaxweynuhu la xisaabtan dhaba  la yeesho Gollaha Deegaanka oo  uu waliba Hanti-Dhawraha Guud geliyo Dawlada Hoose ee Caasimada si meel loo saaro musuqa lagu eedeeyo Gollaha Deegaanka iyo maamul xumada ragaadisay shaqadii Dawlada Hoose ee Caasimada, cida ku lugyeelatana musuqana sharciga loola tiigsado.

Mudane Madaxweyne, wixii ay shacabku kaa filayeen midna kumaad dhaqaaqin, waxana isa soo tarayay niyad jabka shacabka caasimada oo in badan oo ka mid ahi u arkayso inaad qabiil ugu eexaynayso Maayarka Caasimada maadaama aad isku jufo ka soo wada jeedaan, taasina ay tahay sababta qudha ee aanad u dhegaysanayn cabashada shacabka caasimada.

Dhawr sano ka hor, Waxa Caasimada loo soo iibiyay qalabkii wadooyinka caasimada lagu dhisayay inkasta oo qalabkaasi lagaga dhacay xukumada lacag aad u badan oo la sheego inay gaadhayso dhawr milyan oo Dollar, sababtuna waxay ahayd in qof qudha lacagtaas loo xambaariyay oo loo dhiibay iyada oo aan la marin nidaamkii sharciga ahaa ee Guddida Qandaraasyada Qaranka, Qalabkaasi wuxuu iska yaalaa xarun ku taala Buurta Naas Abaarso ee duleedka Caasimada Hargeysa, Waxana la sheegaa inay gacanta ku hayso shirkadii laga soo iibiyay oo ahayd Ethiopian, Qalabkaas oo aan weli sida la sheegay loo tababarin ku shaqayntooda muwaadiniinta ama Shaqaalaha Dawlada Hoose, waxana la sheegayaa in ilaaa maanta shirkadii laga soo iibiyay ay ku guumaysato Gollaha Deegaanka iyo Shaqaalaha Dawlada Hoose ee caasimada. Halka dad kale ay leeyihiin qalabkan shaqsiyaad iyo shirkadii laga soo iibiyay ayaa haysta oo Dawlada Hoose waa laga kireeyaa marka ay wado ku samaynayso.

Mudane Madaxweyne, Caasimada Hargeysa oo ah halka ugu horeysa ee laga dheehan karo horumarka dalkeenu waxay la daala dhacaysaa musuq, maamul xumo, wado xumo, bilic xumo iyo inaanay jirin cid lexjecla ka qabta oo xukumadaada ka tirsan.

Madaxweyne Waa inaad kala dirtaa nidaamkaas faashilka ah ee caasimada Hargeysa ka taliyo oo waliba sharciga aad la tiigsataa, shalay waxan arkaynay in Maayar ku xigeenkii xiitaa gaadhay inuu calanka wadan kale sudhay xafiiskiisii, taasina waxay muujinaysaa inuu Wadan kale u shaqeeyo ee aanu shacabka caasimada wax xil ah u haynin, waxana keenay inuu taasi ku dhiiradaana waa la xisaabtan la’aantaada iyo inaanad dhegaha u dhigin cabashada shacabka caasimada.

Ramadaan Mubaarak.

Yuusuf Wacays

COMMENTS