BALIGUBADLE MEDIA
Madaxweyne Farmaajo Oo Cambaareeyay Qaraxii Lala Beegsaday Raysal Wasaaraha Itoobiya
June 24, 2018 - Written by admin

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxii saaka ka dhacay fagaaraha Meskel ee magaalada Addis Ababa, halkaasoo ay isugu soo baxeen kumanaan ruux oo taageerayay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.

farmaajo

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inuu aad uga xunyahay falkaas macno darada ee lagu waxyeeleeyay dadka rayidka ah ee isugu soo baxay banaan baxa.

“Waxan si adag u cambaareynayaa qaraxii maanta lagula beegsday dadkii kasoo qeyb galay isu soo bixii lagu taageerayay RW Itoobiya Dr. Abiy Axmed. Horumarka Ethiopia iyo midka gobolka ma aha mid lagu hor istaagi karo argagixin iyo fowdo”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo qoraal lagu soo qoray barta Twitter-ka.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa khadka taleefanka kula hadlay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, isagoo u muujiyay garab-istaag, kana tacsiyadeeyay dadkii dhibanayaasha ahaa ee waxyeelada ka soo gaartay qaraxaas.

Qaraxii saaka ka dhacay fagaaraha Meskel Square ayaa dad kala duwan loo qabtay, waxaana warbaahinta Itoobiya ay soo warineysaa in qofka tuuray bam gacmeedka uu xirnaa dharka ciidamada.

Illaa iyo hada lama sheegin tirada rasmiga ee ku dhimataya, hase ahaatee Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa xaqiijiyay in tiro dad ay ku dhinteen, halka kuwa kale ay ku dhaawacmeen.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa la arkayay ka hor inta aanu qaraxa dhicin ku jiray muraayad wareegsan oo uu ka khudbeynayay, waxaana muraayadda aheyd mid aan xabadaha karin, iyadoo uu markii hore uu jiray dareen amni.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS