BALIGUBADLE MEDIA
Jileyaasha Reer India Ee Shah Rukh Khan Iyo Preity Zinta Oo Si Layaable Uga Hadlay Goolkii Toni Kroos U Dhaliyey Xulka Germany
June 24, 2018 - Written by editor

Way adag tahay in la arko jileyaasha waaweyn ee reer India oo ka hadlaya kubadda cagta, haddii ay dhacdana waxay ku koobnaadaan Cricket oo dalkooda laga ciyaaro.
Sharukh-Khan-Preity
Mararka qaarkood waxay ka qayb-galaan ciyaaraha dalkooda iyo kuwa naadiyada gudaha India, aflaanta ay metelaana meelaha qaarkood ayay kaga soo daraan, hase yeeshee masoo dhaafaan ciyaaraha dalkooda laga xiiseeyo.

Arrin taas ka duwan waxa horseed ka noqday Boqorka Jilliinka filimada ee Shah Rukh Khan oo daawanayey ciyaartii dhex martay labadan ee Germany iyo Sweden oo daqiiqaddii ugu dambaysay uu Toni Kroos goolka guusha u dhaliyey qaranka Germany kuna dhamaatay 2-1.

Shah Rukh Khan ayaa markii ay ciyaartu dhamaatay waxa uu ka mid noqday dadkii faraha badnaa ee daroonkooda ka dhiibtay sidii ay ciyaartaasi u dhacday, waxaana uu tibaaxay in dhiiggu ku kacay intii ay ciyaartaasi socotay sababtoo ah Jarmalka oo uu taageersanaa oo qarka u saarnaa inay ka hadhaan Koobka Adduunka.

Shah Rukh Khan ayaa farriin kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitterka oo markiiba ay boqollaal kun oo taageereyaashiisa ahi sii faafiyeen waxa uu ku sheegay in dhamaan waddamadii uu taageersanaa ay dhibaatoonayaan, isaga oo qirtay inuu jecel yahay waddanka Germany oo uu taageerayo.

“Kooxaha aan jecelahay waxay tijaabinayaan dhiig-karkayga. Jarmalku wuxuu sii laba jibbaaray Maroodi-nimadiisii” Sidaas ayuu shah Rukh Khan ku daabacay bartiisa Twitterka, waxaana markiiba sii qaybiyey, aragtidoodana ka dhiibtay dad tiro badan oo kusii xidhan bartiisa.

My favourite teams are testing my blood pressure. Double phew Germany!!!

— Shah Rukh Khan (@iamsrk) June 23, 2018

Shah Rukh Khan kaligii kuma ahayn jileyaasha filimada Hindiga ah, waxaase iyaduna ciyaarta daawanaysay aktaradda caanka ah ee Preity Zinta oo taageersanayd xulka qaranka Germany.

Preity markii ay ciyaartu dhamaatay ayaa ay xakamayn kari weyday dareenkeeda, waxaanay farxadda la qaybsatay malaayiinta dadka ah ee u damaashaaday guushii Toni Kroos uu xulka Jarmalka gacanta u geliyey daqiiqaddii u dambaysay, waxaanay barteeda Twitterka ku daabacday in waddanka Jarmalka aan marna xisaabta laga saari karin, kulankii Sweden na ay si adag u shaqeeyeen oo ay gool cajiib ah dhaliyeen daqiiqaddii u dambaysay.

You can never write the Germans off ! Wow

COMMENTS