BALIGUBADLE MEDIA
Dalkii Ugu Dambeeyey Afrika Ee Senegal Oo Ka Hadhay Koobka Adduunka, Colombia Iyo Japan Oo Soo Gudbay Iyo Sharciga Lagu Reebay Senegal
June 28, 2018 - Written by admin

Xulka qaranka Senegal ee matalayay rajada qaarada Afrika ayaa guuldaro kala kulmay Colombia oo si xun koobka aduunka ku bilaabtay balse kaalinta kowaad kaga soo baxday Group H laakiin xulka qaranka Poland ayaa guushiisii ugu horeeyay ka gaadhay Japan balse xulka qaranka Japan ayaa u soo gudbay wareega 16ka xul qaran taas oo la micno ah in Senegal uu noqday xulkii Afrikaan ah ee koobka aduunka laga cidhibtiray.

 

Arinta ugu murugada badan ayaa ah in Senegal iyo Japan ay isku dhibco iyo goolal noqdeen balse sharciga FIFA ayaa sabab u noqday in kaadhadhka digniinta ah ee ay ciyaartoyda Senegal qaateen uu ka badan yahay kan ay ciyaartoyda Japan qaateen taas oo keentay in “Fair Play’ ay Japan ku soo baxday isla markaana ay Senegal ku macasalaamaysay koobka aduunka.

Colombia ayaa guul dahabi ah daqiiqadii 74 aad ka gaadhay Senegal kadib markii uu xidiga saamaynta layaabka leh la soo baxay ee Yerry Mina uu dhaliyay goolka kaliya ee Colombia guushan ku gaadhay laakiin goolkan ayaa sabab u noqoday in Senegal ay guuldaro la kulantay halka kaadhadhkii digniinta ahaa ee ay ciyaartoyda Senegal qaateen sabab dhab ah u noqotay in ay koobka aduunka ka hadhaan.

Guud ahaan Colombia ayaa kaalinta kowaad iyo 6 dhibcood kaga soo baxday Group H laakiin Japan oo guuldaro kala kulantay Poland iyo Senegal oo guuldaro kala kulantay Colombia ayaa wadaagayay min 4 dhibcood waxayna iskaga mid noqdeen goolasha balse waxa markan la adeegsaday sharciga FIFA ee Fair Play oo uu soo baxayo qaranka dhaqan wanaag muujiyay ee aan kaadhadhka ugu badan qaadan

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS