BALIGUBADLE MEDIA
Brazil Oo U Gudubtay Wareegga 16-ka Ee Koobka Adduunka, Neymar Oo Shabaqu Diidday Iyo Paulinho Oo Mar Kale Gool Dhaliyey
June 27, 2018 - Written by admin

Waxaa si rasmi ah loo soo gaba gabeeyay wareegii saddexaad ee Group E waxaana kaalinta kowaad ee groupkan ku soo baxay xulka qaranka Brazil oo guul 2-0 ah ka gaadhay Serbia waxaana kaalinta labaad ee Group E ku soo baxay xulka qaranka Switzerland oo barbaro 2-2 la gashay Costa Rica halka Serbia ay lumisay fursad wayn oo ay ku soo bixi kartay.

brazil
Paulinho ayaa goolka furitaanka u saxiixay Brazil laakiin iyada oo Serbia xaalad adag ku haysa Brazil ayuu Thiago Silva dhaliyay goolka labaad ee ay Brazil sida buuxda ciyaarta maamulkeeda ugu qabtay.

SHIXIHII LABADA XUL EE KULANKAN:

Brazil XI (4-3-3): Alisson; Fagner, Thiago Silva, Miranda, Marcelo; Paulinho, Casemiro, Coutinho; Willian, Gabriel Jesus, Neymar.

Kaydka: Renato Augusto, Marquinhos, Ederson, Roberto Firmino, Cassio, Filipe Luis, Fernandinho, Fred, Geromel, Taison.

Serbia XI (4-2-3-1): Vladimir Stojkovic; Antonio Rukavina, Nikola Milenkovic, Milos Veljkovic, Aleksandar Kolarov; Sergej Milinkovic-Savic, Nemanja Matic; Dusan Tadic, Adem Ljajic, Filip Kostic; Aleksandar Mitrovic.

Kaydka: Marko Dmitrovic, Predrag Rajkovic, Milan Rodic, Nemanja Radonjic, Luka Jovic, Marko Grujic, Aleksandar Prijovic, Andrija Zivkovic, Luka Milivojevic, Uros Spajic, Branislav Ivanovic, Dusko Tosic.

Xulka qaranka Brazil ayaa kulankan ciyaarayay iyaga oo wax badan ku soo qaatay ceebtii Germany kala kulmay South Korea waxayna doonayeen in ay markooda ka dheeraan waji gabax kale oo aduunka laga dareemo maadaama oo Serbia iyo Switzerland ay Brazil si toos ah ula tartamayeen.

Qaybtii hore ee kulankan Brazil ayaa ciyaar ahaan iyo natiijo ahaanba uga saraysay Serbia oo xaalad adag ku jirtay waxaana Serbia dhibaato kale ku sii ahaa in xulka qaranka Switzerland uu qaybtii hore gool kaga hor maray Costa Rica taas oo rajadii Serbia ee koobka aduunka halis wayn ku ahayd.

DAQIIQADII 10 AAD Brazil ayay dhibaato dhaawac soo gaadhay kadib markii uu Marcelo awoodi waayay in uu ciyaarta sii wadan karo wuxuuna garoonka ka baxay isaga oo dareenkiisa maamuli kari waayay isla markaana ay murugo wayni ka muuqataay waxaana difaaca bidix lagu soo buuxiyay Filipe Luis.

DAQIIQADII 36 AAD Xulka qaranka Brazil ayaa ugu danbayn jabiyay ismari waagii ciyaareed ee waqtiga badan soo jiray kadib markii uu Pualinho si fiican oo qurux badan u dhamaystiray kubbad uu Philippe Coutinho ka dulqaaday difaaca Serbia wuxuuna Pualinho ciyaarta ka dhigay 1-0 ay Brazil culayskii saarnaa iskaga yaraysay.

Haddii intii aanu koobka aduunku bilaaban la filayay in Neymar Jr uu yahay xidiga Brazil ugu fiican waxaa taas beeniyay Philippe Coutinho kaas oo saamayn layaableh ku yeeshay Selecao wuxuuna ahaa xidigii goolkii Switzerland soo dhaliyay, waxa uu ahaa xidigii dhaliyay kulankii furitaanka ee kulankii Costa Rica halka uu markan sameeyay caawinta goolka Paulinho ee muhiimka u ahaa Brazil.

Brazil ayaa shaqo badan qabatay qaybtii hore ee kulankan laakiin waxay samaysay laba bartilmaameed oo kaliya kuwaas oo mid ka mid ah uu Paulinho goolkan ku dhaliyay laakiin Serbia ayaa laba darbo oo kaliya u tuurtay dhinaca goolka Brazil laakiin labaduba bartilmaameedka ayay seegeen.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayay Brazil 1-0 hogaanka ciyaarta ku haysay taas oo Serbia ka saaraysay tartanka koobka aduunka maadaama oo Switzerland ay iyaguna 1-0 hogaanka kaga hayeen Costa Rica.

Markii layskugu soo laabtay qaybti labaad ee ciyaarta ayuu xulka qaranka Serbia soo laabtay isaga oo dhaarsan oo diyaar u ah in ay wax walba u huraan sidii ay ciyaarta ugu soo laaban lahaayeen waxayna cadaadis wayn saareen difaaca Brazil.

DAQIIQADII 62 AAD Serbia ayaa fursad fiican heshay kadib markii uu Tadic kubbad ku soo tuuray xerada ganaaxa Brazil laakiin qalad difaac oo ay sameeyeen waxaa gool iska dhalin gaaray Miranda oo dirqi halistan kaga badaaday.

DAQIIQADII 63 AAD Markale Serbia ayaa fursad fiican iska lumisay iyada oo Milinkovic-Savic uu darbo ku tuuray goolka Brazil balse Allison ayaa joojiyay waxayna Brazil dhinaceeda raadinaysay goolkii ay culayska iskaga dulqaadi lahayd iyada oo kubbad layaableh oo Coutinho, Willian iyo Gabriel is dhaafsadeen uu Gabriel ka badbaadiyay goolhayaha Serbia.

DAQIIQADII 66 AAD Tababare Tite ayaa markii uu xulkiisa u cabsaday waxa uu kaydka uga yeedhay Fernandinho si uu deganaasho ugu soo dabaali karo khadka dhexe wuxuuna saaray Paulinho oo ahaa xidiga goolka furitaanka Brazil u saxiixay.

DAQIIQADII 68 AAD Xulka qaranka Brazil ayay neef wayni ka soo baxday markii uu Thiago Silva gool madax ah u saxiixay isaga oo caawin ka helay Neymar Jr oo kubbad koorne ahayd soo tuuray wuxuuna Silva ka baxsaday Matic isaga oo goolhaye Stojkovic  si buuxda u garaacay waxayna ciyaartu noqotay 2-0 ay Brazil hogaanka ku dheeraysatay.

Intaa kadib ciyaarta ayaa noqotay mid raaxo u ah Brazil maadaama oo ay Serbia ku aamusiisay goolka labaad waxayna Brazil bilawday in ay kubbada si buuxda lugta ugu dhigto isla markaana ay goolka saddexaad raadiso.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2-0 uu xulka qaranka Brazil kaga soo talaabsaday Serbia isla markaana ay ugu soo baxeen wareega 16ka xul ee koobka aduunka. Guushan ayaa Brazil ka caawisay in ay kaalinta kowaad kaga soo baxday Group E halka Switzeraland oo barbaro 2-2 la gashay Costa Rica ay kaalinta labaad kaga so baxday taas oo la micno ah in Serbia iyo Costa Rica ay groupkan ka hadheen.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS