BALIGUBADLE MEDIA
Wiil Uu DhalaWiil Uu Dhalay Amiirka Dawlada Imaaraadka Carabta Oo Magan Galyo Siyaasadeed Ka Dalbaday Dawlada Qatar y Amiirka Dawlada Imaaraadka Carabta Oo Magan Galyo Siyaasadeed Ka Dalbaday Dawlada Qatar Oo Ay Imaaraadka Kala Dhexeeyo Kilaaf Xoogani
June 9, 2018 - Written by admin

Wargeyska Daily Telegraph ee ka soo baxa Ingiriiska ayaa qoray in wiil uu dhalay Amiirka Imaaradda Al-Fujayra ee dalka Imaaraadka Carabtu goostay oo uu magan gelyo siyaasadeed waydiistay Qatar, codsigiisana sii mariyey safaaradda Qatar ku leedahay London.

news

Xogo laga helayo dad u dhawdhaw Amiirka goostay oo magaciisa la yidhaa Sheekh Raashid Bin Xamad Al-Sharqi, iyo sida oo kale xogo diblomaasiyadeed oo wargaysku ku sheegay kuwo heer sare ah, ayaa waxay sheegeen Amiirka goostay oo 31 jir ahi inuu u duulay magaalo madaxda Qatar ee Dooxa saddex todobaad ka hor.

5-tii Juun ee sannadkii hore ayaa Sucuudiga, Imaaraadka, Baxrayn iyo Masar u jareen xidhiidhkii diblomaasiyadeed iyo kii ganacsiba Qaar waxaana la joojiyey gaadiidkii u kala gooshi jiray.

Dalalkaasi waxay ku eedeeyeen Qatar in ay taageerto aragagixisada iyo in ay xasilooni darro ka abuurayso gobolka iyo sidoo kale in ay xidhiidh adag la yeelatay Iran.

Hase yeeshee Qatar way beenisay eedahaas waxaanay ganafka ku dhufatay shuruuudo tiro badan oo dalalkaasi ku xidheen.

Source:-BBCsomali

COMMENTS