BALIGUBADLE MEDIA
Xukuumadda oo Markii Ugu Horeysay Si Aadag Ugu Hanjabtay Beelo Ku Dagaalamay Gobolka Sanaag
May 12, 2018 - Written by admin

Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horaysay ku hanjabatay in ay awood ciidan ku muuqinin doonto laba beelood oo ay dirir ku dhex martay deegaanka Ceel Afweyn.

news

Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye  oo warbaahinta kula hadlayay hargeysa ayaa yidhi

“Haddii ay joogsan waydo Ragga Ku Dul Khamaaraya Maatidu, talaabo adag ayaa laga qaadi doonaa, u Yaraysan mayno, kuna eegi mayno maslaxad iyo walaal kala jooga, laakiin talaabo adag ayaa laga qaadi doonaa hadii ay kala joogsan waayaan” ayuu yidhi,

waxa kale uu wasiir ku Xigeenka Arrimaha Gudaha Somaliland oo u hanjabay xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka ee

Magaaladda Berbera oo weedho kulkulul warbaahinta isu mariyay “Af Xumo ayaanu u aragnaa, masuuliyad saarnayd baan u aragnaa in ay Gudan waayeen, Mar hadii ay xildhibaanadii ay reer berbera soo doorteen sidaas u hadlayaan waxa ay jabiyeen xeerkii, maadama ay abaabul colaadeed ku baaqeen” ayuu yidhi

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS