BALIGUBADLE MEDIA
Xisbiga WADDANI oo Xukuumadda Ku Eedeeyay Internet-la’aanta Maalmihii U Dambeeyay Somaliland Ka Jirta
May 22, 2018 - Written by admin

Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa ka hadlay internet la,aanta labadii maalmood ee ugu dambeeyey ka taagnayd somaliland. Xoghayaha guud ee xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi ayaa xukuumada dusha ka saaray inay masuul ka tahay internet  la,aanta dalka soo food saarty.

khadar guuleed
xoghayaha ayaa sidan ku sheegay war murtiyeed ka soo baxay xafiiskiisa kaas oo u dhignaa sidan “labadii maalmood ee ugu danbeeyay waxaa Somaliland ka go,an internet-kii gaar ahaan kii xadhkaha bada (fibre optic).
Qayb wayn oo dhaqaalaha iyo shaqada wadanka ka socotaa waxay aad ugu xidhanyihiin internet-ka maqanaanshiiyaha internet-kuna wuxuu dhaawac wayn ku yahay wax soo saarka wadanka.
Hadii la xisaabiyo waxaa dhaqaalaha loo yaqaano (opportunity cost) waxaa xaqiiqaa in maqnaanshiiyaha internet-ku uu saamayn taban ku leeyahay dhaqaalaha.
Marka siyaasada xukumadu tahay inay suuqa intenet-ka xadhkaha bada cid gaara u xidho oo ay diido in dadku helo badal saamaynta ugu wayni waxay ku dhacaysaa dhaqaalah dalka.
Bal is waydii hadii Berbera xadhigu inoo joogi lahaa oo xukumadeenu ogolaan lahayd? Maanta Somaliland ma internet-la,aan lahayd? Inta siyaasada Xukumada Kulmiye qofaf u danaynayso oo ay hilmaansantahay waxa guud ee dadkoo dhan ka dhexeeya guul iyo horumar dhaqaale la gaadhi maayo.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS