BALIGUBADLE MEDIA
Wasaaradda Maaliyadda oo Daah-furtay Nidaam Cusub Oo Lagu Diiwaangelinayo Lambarka Cashuur Bixiyaha
May 11, 2018 - Written by admin

Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay shalay Daahfurtay Nidaamka Diiwaangelinta Lambarka Aqoonsiga Cashuur-bixiyaha.

wasiirka maaliyadda somaliland

Munaasibaddan oo lagu daahfuray Nidaamka Diiwaangelinta Lambarka Aqoonsiga Cashuur-bixiyaha oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Horumarinta maaliyadda Somaliland, ayaa lagu qabtay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxaana ka qaybgalay Wasiirka iyo Wasiir Ku-xigeenka Horumarinta Maaliyadda, Wasiirrada Ganacsiga, Arrimaha gudaha, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga, Ganacsato kala duwan iyo Wakiillo Ganacsatada qaar meteleyey, Masuuliyiinnta waaxyaha kala duwan ee Wasaaraddaas, Hay’adaha la shaqeeya qaarkood iyo marti-sharaf kale.

\Wasiirka horumarinta maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi, ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeeddada iyo Muhiimadda Nidaamkan ay Maanta Daahfureen.

Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa isaguna halkaas ka hadla y oo tilmaamay muhiimadda cashuurtu u leedahay dhismaha qaran.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska Somaliland Maxamuud Xasan Sacad Saajin, oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay Dadku ku kala duwan yihiin bixinta Cashuuraadka ku waajibay, halka qaarkoodna ay ka cararaan cashuurta.

Sidoo kale, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Maxamed Daahir, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Cabdiraxmaan Sheekh, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Maxamed Shugri iyo Xubno ku hadlayey Magaca Ganacsatada, ayaa iyaguna halkaas ka hadlay, dhammaantoodna waxay iftiimiyeen sida ay lagama maarmaanta u tahay isku xidhnaanta iyo wada-shaqaynta Cashuurbixiyeyaasha iyo Cashuur-qaadayaasha oo uu wax fiican ku soo kordhin karo adeeggan la soo kordhiyey. Gebo-gabadii Wasiirka Horumarinta Maaliyadda iyo Wasiirrada kale ee Munaasibadda ka qaybgalay, ayaa Shahaadooyinka Aqoonsiga Cashuurbixiyeyaasha Halkaas ku guddoonsiiyey Tobankii Ganacsade ee ugu horreeyey ee soo buuxiya Foomka Nidaamka Cashuur-bixinta.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS