BALIGUBADLE MEDIA
Waddanka Masar Oo War Cusub Kasoo Saaray Dhaawaca Mohamed Salah
May 27, 2018 - Written by admin

Xidhiidhka kubadda cagta waddanka Masar ayaa war kasoo saaray xaaladda caafimaad ee weeraryahanka Liverpool ee Mohamed Salah oo ku dhaawacmay ciyaartii finalka Champions League.

salah-1

Salah ayaa gaaroonka laga saaray daqiiqaddii 31aad markii uu dhaawac ka gaadhay garabka gacanta bidix, waxaana uu warkaasi naxdin ku noqday jamaahiirta Liverpool oo markiiba niyadda geliyey in Real Madrid ay kaga guuleysanayso koobka iyo sidoo kale waddanka Masar oo uu yahay hoggaamiyaha ay ka filayaan inuu guul uga soo hooyo Koobka Adduunka.

Tababaraha Liverpool ayaa warbaahinta u sheegay in dhaawaca Salah noqon karo mid xun oo muddo qaata, hase yeeshee, xidhiidhka kubadda cagta Masar niyadda u dhisay jamaahiirtooda.

Masar waxay sheegtay in dhakhtarka xulka qarankoodu uu la hadlay Liverpool, isla markaana loo sheegay in sawirro laga qaaday gacantu ay muujiyeen in jug ay ka gaadhay garabka hase yeeshee aanu jabin.

“Intii uu socday wada-hadal telefoonka ah oo dhex maray wefti ka socda xulka qaranka oo maraya Talyaaniga si ay xaaladda Mohamed Salah u hubiyaan, waxay Liverpool u sheegtay in Sawirro X-rays ah oo laga qaaday Salah ay muujiyeen in dhaawacu uu ahaa jug soo gaadhay kala-goyska garabka.” Sidaas ayaa uu xidhiidhka Masar ku yidhi warka uu soo saaray.

“Dr. Abu Ela waxa uu muujiyey niyadsamaan ah in ka qayb-galka Salah ee Koobka Adduunku ay ku xidhan tahay sida loo daaweeyo.” ayuu mar kale yidhi xidhiidhku.

Mohamed Salah ayaa la filayey dhaawaca ka hor in xulka qaranka Masar uu u hoggaamiyo Koobka Adduunka oo ugu bilaaban doona ciyaar ay Uruguay iskaga hor iman doonaan June 15, hase yeeshee, sida wararku sheegayaan shaki weyn ayaa ku jira in Salah uu tegi doono.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS