BALIGUBADLE MEDIA
Waddanka Masar Oo Si Rasmi Ah U Shaaciyey Wakhtiga Uu Mohamed Salah Garoomada Kusoo Laaban Doono
May 31, 2018 - Written by admin

Xidhiidhka kubadda cagta waddanka Masar ayaa shaaciyey wakhtiga rasmiga ah ee uu garoomada kusoo laaban doono xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah oo garabka ka dhaawacmay ciyaartii finalka Champions League ee Real Madrid.

maxamed saalax

Mohamed Salah ayaa Arbacadii magaalada Valencia kulan kula yeeshay tababaraha xulka qaranka Masar, Hector Cuper, Madaxweynaha xidhiidhka kubadda cagta Masar Hani Abu Reda iyo dhakhtarka xulka Mohamed Abou El-Ela Arbacadii, halkaas oo ay uga socoto daaweyn.

Xidhiidhku waxay shaaciyeen in Mohamed Salah uu garoomada ka maqnaan doono ugu badnaan saddex toddobaad, taas oo ka dhigan in ugu yaraan uu ka maqnaan doono kulanka ugu horreeya ee xulka Masar uu 15 January la ciyaari doono Uruguay ciyaarta ugu horreysa ee Koobka Adduunka.

War kooban oo ay ku baahiyeen barta Facebook, ayaa waxa uu xidhiidhka kubadda cagta Masar ku yidhi: “Weftiga xulka qaranka qaranku waxay warbixin idinka siinayaan barnaamijjka soo kabashada ciyaartoyga, oo hadda si fiican u lugaynaya.

“Waxa uu ku biiri doonaa xulka qaranka Koobka Adduunka, ciyaartoygan fiican waxa ka go’an inuu gaadho ciyaaryahannada xulka. Weftiga waxa ka mid ahaa, Mohamed Abou El=Ela, waxaanu sheegay in muddada dhaawaca uu ku maqnaanayo Salah ay noqonayso ugu yaraan saddex toddobaad” Sidaas ayaa lagu yidhi warka lagu baahiyey barta xidhiidhka kubadda cagta Masar.

Mohamed Salah ayaa waddankiisu aad ugu baahan yahay koobka Adduunka oo ay kusoo laabteen muddo soddon sannadood ku dhow oo ay ka maqnaayeen.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS