BALIGUBADLE MEDIA
Trump Oo Dib U Dhigay Canshuur Uu Ku Soo Rogi Lahaa Midawga Yurub
May 1, 2018 - Written by admin

Maamulka madaxweyne Trump ayaa wakhtiga u kordhiyay wadaxaajoodka ku saabsan ganacsiga birta iyo naxaasta ee uu Maraykanku la leeyahay Midawga Yurub, Canada iyo Mexico.

trump cashuur

Wadahadalka ayaana sii socon doona ilaa 30 maalmood oo kale.

Maraykanka ayaa dhanka kalana heshiis la gaaray Argentina, Brazil iyo Australia.

Madaxweyne Trump ayaa bishii Maarso soo rogay canshuuro dheeri ah oo uu ku soo rogay birta iyo naxaasta adduunka looga soo dhoofiyo.

Intaas wixii ka dambeeyayna dalalka qaar ayaa si ku meelgaar ah looga saamaxay canshuurahaas dheeriga ah, waxaana ka mid ah Canada, Mexico iyo dalalka ku jira Midawga Yurub.

Shiinaha ayaase canshuurtalagu kordhiyay oo aan lagu darin dalalka sida ku meelgaarka ah looga saamaxay, isaga oo aarsanaya ayuuna alaabada Maraykanka looga soo dhoofi yo canshuuro ku soo rogay.

Trump ayaa markaas ku baaqay in canshuuraha lagu sii kordhiyo alaabada Shiinaha, arrintaas ayaana sare u qaaday xiisadda ka dhex aloosan labadan dal ee waawayn.

Kuuriyada Koonfureed ayaa si buuxda looga cafiyay canshuurtii la kordhiyay waxayna ku baddalatay in ay 30% dhinto birta ay u dhoofiso Maraykanka

Sources: BBC

COMMENTS