BALIGUBADLE MEDIA
Arooska boqortooyada : Calmashada Harry iyo Meghan
May 11, 2018 - Written by admin

Indhaha oo dhan waxa ay wada eegi doonaan dalka UK halkaas oo 19-ka bishan uu ka dhacayo arooska boqortooyada. Qisadan oo ah mid aad ugu eg kuwa buugaagta iyo aflaamta lagu jillo ayaa waxa ay soo jiidatay dareenka dadka u dhego duleela arrimaha boqortooyada.

harry

Halkan waxaa ah weeydiimaha dadka adduunka qaarkood ee aanan fikir ka haysanin arooskan iyo qoyskan ay isweeydiinayaa.
Horta yaa is aroosaya?

Amiir Harry oo ay ayeeyo u tahay boqorada Ingiriiska, ayna iska dhaleen wiilka boqorada iyo Amiirad Diana ayaa guursanaya gabadh aflaamta jisha oo u dhalatay dalka Maraykanka.

Dhaxalka saldanada Ingiriiska waxa uu kaga jiraa kaalinta lixaad.

Lammaanahan waxa ay kulmeen sanadkii 2016-kii, halkaas oo qof kale uu is baray, halkaas oo uu ka dhashay dalab ah in ay habeen digaag isla dubtaan.
Hagaag, maxaa iiga gidhiisha ah marka?

Haddii aad tahay dadka jacaylka qiimeeya, ee sidoo kale tixraaca nolosha dadka caanka ah, ama taajirka ah, waxay u badantahay in aad daawato arooskan.

Xitaa haddii dalkaaga aysan ka jirin nidaam boqortooyo, waa kee qofka aanan doonaynin in uu daawdo ama dareemo caashaqa iyo billicda halkaas lagu soo bandhigayo.
Maxaa dhacaya maalinta arooska?

Arooska waxa uu ka dhacayaa qasriga Windsor oo 34 km u jira galbeedka London, wuxuuna dhacayaa xilli casar ah, sidaasi darteed waa in ay jaangoysaa xilliga ay ku beehantahay saacadda dalka aad joogto, adiga oo ka qiyaas qaadanaya sida ay u kala horeeyaan saacadaha UK iyo kuwa adduunka kale.

Kadib marka uu xarigga dhoco, lammaanaha waxa ay wada raacayaan gaari-faraska , waxaana la dhexmarsiinayaa magaalada Windsor, halkaas oo ka mid ah hoyga ay leedahay boqorada.

Illaa 600 oo marti ah ayaa ka qeybgalaysa arooska, iyaga oo ku casuumad qado sharaf ay samaynayso boqoradda.

Maqribkii kadib, lammaanaha ayaa guriga Frogmore ku qaabilaya 200 oo saaxiibadood dhow ah.
Britain ma kala joogsan doontaa?

Maya, balse ha isku aadin Windsor haddii aadan ahayn qof jecel isu imaatinada dadka tirada badan.

Dalka UK waxa ay u tahay meel dadka aad dhallooyinka u daawan doonaan, balse sidoo kale waa maalin sabti ah oo dadka waxa ay sii wadan doonaan jadwalkooda maalmeed.

Dadka kubbadda cagta aad u jecel waxa ay tahay maalinta kama dambeyska ah ee horyaalka FA-, sidaas darteed garoomada ayay aadi doonaan.

Sanadkii 2011-kii, wax ka badan 24 milyan oo qof oo Britain u dhashay ayaa dhallooyinka ka daawaday arooskii Amiir William iyo Kate, waxayna noqotay arrin taariikhda ku gashay oo ah dhacdooyinka loogu daawasho badnaa. Sanadkii 1966-dii 32.3 milyan qof ayaa daawatay koobkii adduunka, halka sanadkii 1997-dii ay duugtii Diana ay daawdeen 32.1 milyan oo qof.

Balse maadaamaa hadda la joogo casrigii tiknoolajiyadda, dadka siyaabo badan oo kala duwan ayay u daawan karaan.
Sidee noqon doontaa xafladda?

Boqorada waa madaxa kaniisadaha Britain, sidaas darteed xubnaha qoyska boqortooyada waxaa ay tahay in ay kaalin mug leh ka qaataan marka ay kaniisada ka dhacayso hawsha arooska.

Waxaa la akhrinayaa meerisyo laga soo xiganayo kitaabka masiixiyiinta iyo heeso.
Ms Markle ma noqon doontaa amiiirad?

Darajadaas “Amiirad” waa arrin lagu wareero fahamkeeda dalka Britain, kaliya waxa ay noqon doontaa xaaska Henry oo loogu yeero magacyo maamuuseed, balse sida uu sharciga qabo waxaa amiirad noqon kara qofka dhiig ahaan ka dhashay qoyska boqortooyada.

Xitaa Diana, waligeed loogu yeerin Amiirad, markii ay Charles kala tageen, waxaa kaliya la oran jiray Diana oo kaliya.

Ma xiran doontaa dharka boqortooyada?

Haa, markii ay dhimatay Diana, waxa ay wiilasheeda uga tagtey dharkeedii boqortooyada iyo dahabkeedii si ay u siiyaan xaasaska ay guursan doonaan.
Yaa ka mid ah marti-sharafta?

Dad dhawr ah ayaa shaaciyay in ay ka qeybgalayaan, balse waxaa jira kuwa la’iska sii mala awaali kara ka qeybgalkooda, waxaana ka mid ah Sir Elton John oo sheegay in uu hakiyay bandhigyo uu qaban lahaa.

Saaxiibada Markle ee kale ah gabadha kubbada miiska caanka ku ah ee Serena Williams iyo atariishada Hindiya Priyanka Chopra ayaa iyaguna ka mid ah kuwa ka qeybgalaya.

Markle aabaheed, Thomas Markle ayaa la filayaa in uu gabadhiisa gacanta kasoo qabto oo uu gacanta ka galiyo Harry, seygeeda cusub sida dhaqanku yahay. Hooyadeed Doria Radlan ayaa sidoo kale arooska kasoo qeybgalaysa.

1,200 oo shacabka ka tirsan ayaa iyaguna lagu casuumay in ay xaflada dhallooyin ka daawadayaan iyaga oo tagaya bedka ama barxadda qasriga uu arooska ka dhacayo.

Madaxweyne Trump oo marar badan ku hadaaqay in uu jeclaan in uu shukaansado Diana, Harry hooyadiis ayaa la sheegay in uusan kasoo qeybgalaynin, balse Barack Obama oo Harry saaxiibkiis ah ayaa la filayaa in uu ka qeybgalo.

Waxaa arooska minxiis ka noqonaya Harry walaalkiisa William, maadaamaa Harry uu minxiis u noqday markii uu William aroosayay sanadkii 2011-kii.

Halka Markle minxiisadeeda ay noqon doonaan carruur lasoo xulay, maadaamaa ay leedahay saaxiibo dhow oo aysan doonaynin in ay kala xulato.

Xigasho : bbc

COMMENTS