BALIGUBADLE MEDIA
Muuse Biixi oo Cadaawad Gaar ah Ku Badhtilmaameedsanaya Mid Kamida Beelihii Reer Hargeya ee ay Beeshiisa Colaadu Dhex Martay 1967 “Qalinkii Yaasiin Maxamed Warsame”
May 14, 2018 - Written by admin

kornayl muuse biixi oo lagu yaqaano hurinta iyo colaadaha sokeeye ee shacabka somaliland ayaa badhtilmaameedsanaya mid kamida beelaha waawayn ee reer hargeysa taas oo ay colaad gaamurtay isaga iyo beeshiisa dhex martay sanadkii 1967 wakhtigaas oo uu dawladii somaliya raysal wasaare ka ahaa maxmed xaaji ibraahin cigaal

muuse aftaag
dagaalkaas oo ahaa mid laga soo doogay muddo badanina ka soo wareegtay ayaa mar qudha lagu warhelay colaada gaamurtay ee ka buuxda shakshigii madaxwaynaha dalka loo doortay kaas oo beelahan si gaar ah oo cadaawadi ka buuxdo u badhtilmaameedsanaya islamarkaana booska uu ku fadhiyo u haysta mid ay beeshiisu leedahay oo uu beelaha kale kaga aarsan karo
hadaba dadka shakhsiyada muuse faaleeya ayaa sheegay in cadaawadda foolxun ee kornayl muuse biixi ku badhtilmaameedsanayo beelahani soo dadajin karo dagaalo iyo colaado markale dalka ka istaadhma

hadaba aynu soo qaadano talaabooyinkii u dambeeyay ee muuse biixi ku badhtilmaameedsanayo deegaanadan

1. muse biixi ayaa amar ku bixiyay laba todobaad kahor in miisaaniyadda qaranka laga saaro dugsig sarre ee suldaan maxamed sudlaan faarax
2. xukuumadda muuse biixi ayaa go’aan ku soo saartay inaan wax cashuura lagu bixin karin kastamka wasaaradda maaliyadda ee baligubadle

3. muuse biixi ayaa amar ku bixiyay in niman beeshiisa ah loo xukumo dhul ay isku haysaan beeshiisa iyo beeshan kale kaas oo ku yaala koonfurta galbeed ee hargeysa

marka la eego dhamaan qodobadan u muuqda kuwo aan lagu tilmaami karin inay madaxwayne hagaagsan oo umadeed ka soo baxeen waxay muujinayaan colaadda gaamurtay ee muuse biixi ku badhtilmaameedsanayo deegaanaddan waxaase laga warsugi doona faa’idada kornayl muuse biixi ka dheefo colaadda gaamurtay ee uu ku badhtilmaameedsanayo deegaanadan isagoo ku dhuumanaya shaadh dawladeed.
Qalinkii Yaasiin Maxamed Warsame

warsame07gmail.com

COMMENTS