BALIGUBADLE MEDIA
Mohamed Salah Oo Masar Kusoo Celiyey Madxafka Ugu Weyn Ingiriiska
May 18, 2018 - Written by admin

Xiddiga kubadda cagta Liverpool ee Mohamed Salah ayaa dib usoo cusboonaysiiyey kaalintii uu waddankiisu ku lahaa Madxafka ugu weyn Ingiriiska, kaddib markii qaybta lagu kaydiyo waxyaabaha duugga ah ama taariikhiga ah ee ka yimid Masar lagu kordhiyey kabihii uu ku qaaday Kabta Dahabka ah ee gool-dhalinta horyaalka Premier League.

salah-1

Beer kabo ah oo noocoodu yahay Adidis X17 Deadly Strike oo ah kuwii uu xidhnaa kulankiisii ugu dambeeyey ee horyaalka xili ciyaareedkan, isla markaana uu ku dhaliyey goolkiisii 32aad, ayaa la dhigay qaybta lagu ururiyo alaabooyinka qaddiimiga ah ee laga keenay waddanka Masar, halkaas oo ay hore usii yaalleen alaabooyin duug ah oo qaarkood ay ku saabsanaayeen Masaaridii hore illaa Faraaciintii.

Mohamed Salah ayaa xili ciyaareedkan dhaliyey 32 gool oo horyaalka Premier League ah, taas oo uu ku jebiyey rikoodhkii dhalinta goolasha horyaalka. Isku geyn waxa uu Liverpool u dhaliyey 44 gool 51 ciyaarood oo uu u saftay.

Toddobaadka dambe ayuu sii kordhin karayaa goolasha uu Liveprool u dhaliyey marka finalka Champions League ay iskaga hor yimaaddaan Real Madrid ciyaar ka dhici doonta magaalada Kiev ee waddanka Ukraine.

25 jirkan ayaa waxa kale oo uu sannadkan guul weyn usoo hooyey waddankiisa oo uu usoo saaray Koobka Adduunka ee bisha dambe ka furmi doono waddanka Ruushka, kaas oo Masar ay ka maqnayd muddo 28 sannadood ah.

Neal Spencer oo ah ninka qaabilsan illaalinta alaabta xadxafka qaybta alaabta Masar taallo, ayaa waxa uu sheegay in kabaha lagu soo kordhiyey madxafka British Museum ay dib u cusboonaysiiyeen taariikhda reer Masar, isla markaana ay kabahaasi sheeegayaan qisaska xiddiga reer Masar uu kusoo bandhigay UK, nasiibna uu u yeeshay in meel lala dhigo taariikhda qaniga ah ee Masaarida.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS