BALIGUBADLE MEDIA
Mohamed Salah Oo Ku Guuleystay Abaalmarinta Sannadka Ee Qoreyaasha
May 1, 2018 - Written by admin

Xiddiga kubadda cagta Liverpool ee Mohamed Salah ayaa ku guuleystay abaalmarinta sannadka ee Ururka Qoreyaasha Kubadda cagta waddanka Ingiriiska.

saalax

Salah oo ay da’diisu tahay 25 sannadood, ayaa dhaliyey 31 gool oo horyaalka Premier League ah xili ciyaareedkan, ayaa dhowaan la siiyey abaalmarinta xiddiga Sannadka PFA ee Ingiriiska, waxaana xaflad kale oo xalay lagu qabtay UK lagu siiyey abaalmarinta Qoreyaasha Ingiriiska, kaas oo kaalinta labaadna uu u galay laacibka Manchester City ee Kevin de Bruyne, halka kaalinta saddexaadna la siiyey weeraryahanka Tottenham ee Harry Kane.

Weeraryahannadda Ingiriiska ah ee Fran Kirby oo u ciyaarta Chelsea ayaa iyadana la siiyey haweenayda ugu wanaagsan haweenka ee ururka qoreyaasha ee magaciisa loosoo gaabiyo FWA.

Salah oo xagaagii ay Liverpool ku iibsatay £34 milyan oo Gini ayaa waxa uu muujiyey inuu u qalmo abaalmarin kasta oo dunida laga bixiyo, waxaana uu hadda isku darsaday abaalmarrinta laga bixiyo waddanka Ingiriiska oo aanay cidina kusoo dhowaanin.

Mohamed Salah ka hor intiii aanu Liverpool imanin, waxa uu khibrad badan kasoo helay kooxaha FC Basel, Chelsea, Fiorentina iyo Roma, waxaana ay taasi faa’iido u noqotay Liverpool oo xirfaddiisa darteed ku gaadhay semi-finalka oo haddii ay Khamiiska iska dhiciso Roma ay finalka u gudbi doonto.

Kooxda tababare Klopp ayaa u safartay magaalada Roma oo ay kula soo ciyaari doonaan Stadio Olimpico.

Tartan u dhexeeya laba ciyaartoy

Mohamed Salah oo u dhashay waddanka Masar ayaa helay in ka badan 90% codadkii laga dhiibtay xulashada laacibka ugu wanaagsan ee ururka qoreyaasha kubadda cagta.

Guddoomiyeyaha ururka qoreyaasha (FWA), Patrick Barclay ayaa ku sifeeyey tartanka labada ciyaartoy u dhexeeya kii ugu adkaa tan iyo sannadkii 1968-69, markaas oo xiddignimada ay isku baacsan jireen Tony Book oo u ciyaari jiray iyo Dave Mackay oo Derby Count ka tirsnaan jiray.

Ciyaaryahannada kale ee codadka ka helay abaalmarinta FWA waxa ka mid ah: Sergio Aguero (Man City), Christian Eriksen (Tottenham), Roberto Firmino (Liverpool), Nick Pope (Burnley), David Silva (Manchester City), Raheem Sterling (Man City) iyo Jan Vertonghen (Tottenham).

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS