BALIGUBADLE MEDIA
Madaxweyne Donald Trump Oo Wali Ku Adkaysanaya Inuu Qabsoomo Kulanka Uu La Yeelanayo Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi
May 18, 2018 - Written by admin

Madaxweyne Donald Trump ayaa iskudayay in sidiisii uu ku soo celiyo shirka uu la yeelanayo Kim Jong Un, isagoo u ballan qaaday hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi inuu helayo ammaan haddii uu isaga haro hubka nukliyeerka ah.

2003, hogaamiyihii Liibiya, Mucamar Qaddaafi, ayaa waxa uu ogolaaday inuu isaga joojiyo barnaamijkii nukliyeerka ee uu waday hasayeeshee sanado kaddib ayaa waxaa dilay fallaago ay reer galbeedku baritaarayeen.

Mr Trump ayaa iska fogeeyay hadallada ka soo yeeray lataliyihiisa dhanka ammaanka, John Bolton, kaas oo ka caraysiiyay Waqooyiga Kuuriya kaddib markii uu tusaale ahaan ugu soo qaatay qaabkii hubka nukliyeerka looga dhigay waddanka Liibiya.

Pyongyang ayaa waxa ay


ka digtay in kulanka aanan horay noociisa oo kale loo arag ay suuragal tahay inuusan qabsoomin hasayeeshee Trump ayaa sheegay in diyaargarowga uu soconayo.

 

 

Source:-BBCsomali

COMMENTS