BALIGUBADLE MEDIA
Khasaare Naf Iyo Maalba Leh oo Ka Dhashay Roobab Dabaylo Wata oo Xalay Ilaa Maanta Ka Da’ayay Gobolka Saaxil
May 19, 2018 - Written by admin

Roobab dabaylo wata oo ka dhashay duufaankii ku dhuftay xeebaha Badda Cas, ayaa xalay saqdii dhexe ku dhuftay magaalada Berbera.
breaking news
Gudoomiyaha gobolka Saaxil Axmed Cismaan Xasan, ayaa BBC-da u sheegay in hal qof ku dhintay guri ku dumay, isla markaana ay ka daadgureeyeen guryahoodii 950 qof oo haatan ku sugan dugisyada xaafadaha Berbera.
Roobab laxaad leh oo daadad ku soo rogay dooxyada ayaa jiidahaasi ka da’aya, waxaana hadda go’an wadada isku xidha Berbera iyo Bullaxaar.
Khasaare kale lama soo sheegin ilaa hadda. Madaxa qaybta saadaasha hawada ee wasaaradda beeraha Somaliland Cabdiqani Yuusuf Cabdi oo uu Axmed Siciid Cige la hadlay ayaa sheegay in roobabkan dabaylaha wataa ay maanta gelinka danbe ku wajahanyihiin deegaanada xeebta ee lughaya ilaa Saylac.
Xigasho: BBC Somali

COMMENTS