BALIGUBADLE MEDIA
Guddoomiyaha Maxkamada Sare oo Iska Difaacay Eedayntii Beesha Caalamka Ee Xoriyada Iyo Ku Tumshada Xuquuqul Insaanka.
May 10, 2018 - Written by editor

Xukuumadda Somaliland ayaa ganafka ku dhufatay warbixin ay soo saartay hay’adda xuquuqda aadanaha qaramadda midoobay ee Human Rights Watch oo dhaliishay garsoorka iyo xukunnada ay ridaan maxkamadaha Somaliland.

Gudoomiyaha-Maxkamada-Sare1(3)

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa warbixinta HRW ku tilmaamay mid aanay waxba ka jirin, isla markaana ay maxkamadaha Somaliland maalin walba difaacaan xoriyatul qawlka cid la cabudhiyaana aanay jirin.
Waxaanu sheegay in warbixinta Human Rights Watch ay tahay mid dhinac ka raran si buuxdana aan uga turjumaynin waaqaca dhabta ah ee xoriyatul qawlka hadalka iyo madax banaanidda warbaahinta Somaliland.
Aadan Xaaji Cali Axmed, oo ka jawaabayay dhaliilaha Human Rights Watch, waxa uu yidhi “Arrintaasi ay hay’adu sheegtay ma jirto. Wixii siyaasi ahna waxaa ku shaqo leh hay’adaha siyaasadda. Laakiin markaan anigu dhinac ka istaago hay’adaha garsoorka maalin walba xoriyatul qawlka ayaanu difaacnaa. Saxaafadda in ka badan dhawr iyo toban TV oo madx banaan oo gaar loo leeyahay ayaa dalka ka hawl gala, waxaa jira dhawr iyo toban wargeyso ah oo madax banaan oo dalka ka soo baxa, weriyeyaal badan, baraha bulshadu ku xidhiidho xor ayay yihiin.
Waxyaabo badan ayaa naga soo gala, dad badan ayaanu maalin walba oo laga soo ashkatooday ayaanu sii daynaa, ama si xora ayay isku difaacaan, markaa cid la cabudhiyaa ma jiro. Xagga garsoorka-na anagu iyaga ayaanu difaacnaa, waayo? Anagu cadaalad ayaanu u fadhinaa. Marka ay hay’adaha kale ee wax eedeeya, sida booliska iyo kuwa la midka ahi ama hay’adaha dawladda u qaabilsani soo eedeeyaan gar-naq cadaaladeed oo dhex ah ayay naga helaan anaga”.
Waxa kaloo uu guddoomiyuhu intaas ku daray “Taasi inta badan ma dhacdo. Waxaa u danbeeyay kiiskii u danbeeyay ee boqor Buur Madow, marka hore waxaa lagu eedeeyay boqorka qodobka 212 iyo 219. Markaa hadaan qodobkaasi dadka u fasiro wuxuu yahay waa qof muwaadin ah oo dibadda ka soo abaabulay wax ka dhan ah qaran-nimadda Somaliland. Sida la og yahay Somaliland arrinta midnimadda Soomaaliyeed iyo qaran-nimadeedda way difaacataa oo danbi ayaanay ka tahay.
Markaa isagoo qodobkaa lagu eedeeyay boqorka ayay maxkamadu la xidhiidhay, waxaanay ku tidhi dacwadaadii waa la mudeeyay dhawr cisho ka hor xukunkiisa, markaa fursad ayuu u haystay in uu qareen qabsado, manuu qabsan. Maxkamada ayuu yimid garsoorihii dacwada hayay wuu duray, maxkamadda heerka labaad ayaanu xaq u leeyahay in uu kaga ashkatoodo, wuuna ka ashtakooday, waanay diiday maxkamadda heerka la baad doodiisii, markaa way fiicnayd in uu qareen qabsado, waanay dhacdaa oo naga ayaa maalin walba dadka u qabana qareeno u doodda oo bilaash ah.
Laakiin qodobka soo dedejiyay boqorka xukunkiisa, kii loo haystay maahee wuxuu ku kacay oo jirtay anshax maxkamadeed oo lagu haystay, oo dhacay. Marka arrin anshax xumo ah maxkamadda horteedda laga sameeyo ee xeer ilaalintuna ay oogto, garsooruhuna ku qanco, qodobka 270 ayaa wuxuu tilmaamayaa in markaa xukunku dhacaayo cidii anshax xumo ku kacda” ayuu yidhi Aadan Xaaji Cali oo shalay la hadlay BBC.
Isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Tusaaleyaasha dadka aad soo qaadatay iyaga xoriyatul qawl lagu eedaynin, waxaa lagu eedeeyay danbiyo ciqaab ah oo kuwa qaran-nimadda ku lidiga ah ama ka soo hor jeeda. Haddii haddii xoriyatul qawl qofka lagu eedayn lahaa ama hadal uu yidhi lagu qabsan lahaa, waxa weeye marka hore ka dhacdo in hadal lagu eedeeyo, haddii ay dhacdana, nidaam ka duwan difaaca ayaa la raaci lahaa, isagoo jooga ayaanu qofku is difaaci lahaa”.
Geesta kale guddoomiyaha maxkamadda sare wuxuu cadeeyay in haddii qofku uu ku kaco waxyaabo ka dhan ah qaranimadda Somaliland in meesha uu doonaba ha joogee uu qodobkaasi qabanayo.
Waxaanu yidhi “Waxay ku xidhan tahay in qaran-nimadda laga hor yimaado oo abaabul la sameeyo, oo dadka kaca la yidhaahdo, danbigaasi meelnaba kuma xidhna. Ama Muqdisho joog, ama Addis Ababa joog ama London joog ama Jabuuti joog. Hadba falka uu qofku gallo ayay ku xidhan tahay, falku haddii uu mid ciqaab ah yahay, oo qaranimadda lidi ku ah, sida qodobka 212 oo kale.
Marka uu qofku qaranimadda ka hor yimaado ee uu yidhaahdo Somaliland tallaabo hala qaado, ee uu masuuliyad iyo qaran-nimo faraha la gallo, sida midnimadii Soomaaliya, taasi wuu ka baxayaa oo wuxuu noqonayaa danbi ciqaab ah oo qaranimadda ka soo hor jeedda. Waana kala laba.Cid kastoo la eedeeyo cadaaladda ayaanu u eegnaa”.
Ugu danbayn guddoomiye Aadan Xaaji Cali, waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay tuhunka ah in ay isku mil meen xukuumadda iyo garsoorka Somaliland. Waxaanu yidhi “Arrintaasi ma jirto. Garsoorku wuu ka madax banaan yahay fulinta, waxaana taa ku tusaaya, waxaa maxkamadaha soo galla dacwado ay xukuumadu daraf ka tahay, oo iyada laga cabanayo ama la eedaynayo ama la iska difaacayo. Marar badan ayaana laga xukumaa, marar badana haddii ay cadaaladda ku taagan yihiin waa loo xukumaa”

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS