BALIGUBADLE MEDIA
Golaha Wakiilada Somaliland Oo La Hor Keenay Mooshin Wax Lagaga Bedelayo Xeerka Kalluumaysiga
May 6, 2018 - Written by admin

Gudida Ilaalinta deegaanka iyo Khayraadka Golaha wakiiladda Somaliland ayaa saaka hor Keenay fadhigii golaha Wakiiladda Mooshin wax lagaga bedelayo xeerka Kalluumaysiga.

golaha wakiilada

Xildhibaan Cabdilaahi Ismaaciil Faarax ayaa fadhigaasi ka akhriyay xeerkan waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Markaanu aragnay muhiimadda uu qaranka ku leeyahay xeerkani, markaanu derisnay xaaladda dhaqaale ee uu dalku ku sugan yahay iyo baahida loo qabo in laga faa’iidaysto khayraadka badda.

Markii aanu aragnay dhibaatooyinkii ay geysteen abaarihii soo noqnoqday ee dalka Somaliland ka dhacay ee ay meesha ka baxeen ku tiirsanaan dhinaca xooluhu.

Markaanu k u qanacnay baahida loo qabo cunto iyo shaqo abuur iyo ka hor tagatahriibka.

Markaanu aragnay sharcigii hore ee kaluunka ee Numbar 24 ee ah 1995-kii oo ahaa xeer ku salaysnaa axdi qarameedkii isla markaana aan la jaanqaadi Karin dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.

Hadaba waxa ay xildhibaano halkan ku saxeexani soo jeedinayaan in wax ka bedel lagu sameeyo, waxaanan u aragnaa in xeerka 24 ee 1995 uu u baahan yahay in wax ka bedel lagu sameeyo” ayuu yidhi.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS