BALIGUBADLE MEDIA
Dawladda Sucuudiga oo Martiqaad U Fidisay Masuuliyiinta Ka Tirsan Dawladda Somaliland
May 14, 2018 - Written by admin

Sucuudiga ayaa doonaya in uu maalgashado Somaliland, iyadoo afar kamid ah masuuliyiinta Somaliland loo soo diray warqad casuumad ah si ay dalkaasi uga wada hadlaan arrimaha la xidhiidha maalgashiga.

news1

Shirkad uu leeyahay mid kamid ah dhaxal-sugayaasha boqortooyada Sucuudiga ayaa martiqaad usoo dirtay masuuliyiinta kala ah; Sacad Cali Shire, wasiirka arrimaha dibadda, Xasan Maxamed Gaafaadhi, wasiirka xannaanada xoolaha iyo kalluumaysiga, Maxamed Cali Ismaaciil, Guddoomiyaha Guddihoosaadka Arrimaha Debadda ee Wakiillada iyo Faysal Cali Waraabe, Guddoomiyaha xisbiga UCID.

Kulankan ayaa lagaga wada hadli doonaa maalgashiga khayraadka beeraha iyo xoolaha ee Somaliland.

warqada sucuudiga

Qorshahan ayaa waxaa uu qayb ka yahay Hiigsiga 2030 ee Boqortooyada Sacuudiga, oo waxaa aanu rabnaa in aannu dawladaha walaalaha ah ka caawinno horumarka – ayaa lagu yidhi warqaddan.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS