BALIGUBADLE MEDIA
Dawladda Puntland oo Waxba Kama Jiraan Ku Tilmaantay Warar Ku Tidhi Ku Teena oo Lagu Baahiyay Warbaahinta
May 19, 2018 - Written by admin

Maamul Goboleedka Puntland ayaa beeniyay War-saxaafadeed sheegayay in maamulka Puntland uu qaylo dhaan udirsaday dawlada Federaalka ah ee Somaliya, kaasi oo ku saabsanaa codsi Puntland kaga codsanayso Dawlada Somaliya sidii ay ciidan iyo lacag  ay ku gasho dagaala tukaraq ugu caawin lahayd Puntland.

news1

War-saxaafadeedka  ka soo baxay xarunta madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in war-saxaafadeed kaasi ahaa been abuur “ Sida lawada ogyahay waxaa lagu faafiyay warbaahinta Somaliya iyo baraha bulshada qoraal ku taariikhaysan 16May  2018 oo lasiiyay sumada xafiiska madaxwayanaha Puntland oo been abuur ah waxaana lagu sheegay inay tahay warqad uu qoray madaxwaynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo

uu udiray madaxwaynaha Somaliya Maxamed Cabdilaahi Farmajo sida lagu sheegay qoraalkaasi wuxuu ahaa Warbixin iyo xog dheeraad ah oo laga siiyay madaxwaynaha Dawlada Federaalka Somaliya Xaalada dagaal ee Tukaraq.

Hadaba waxay Puntland cadaynaysaa in qoraalkaasi ahaa mid been abuur ah oo loo diray dhamaanba beesha caalamka iyo madaxwaynaha Somaliya” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka ay soo saartay Puntland.

 Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS