BALIGUBADLE MEDIA
Dawladda Pakistan Oo Beenisay Inay Maraykanka Ku Wareejisay Dhakhtarkii Fududeeyey Dilkii Osama Bin Ladin
May 5, 2018 - Written by admin

Dowlada Pakistan ayaa beenisay inay dowlada Maraykanka ku wareejinayso dhakhtarkii Shakil Afridi oo sirdoonka Maraykanka CIA u fududeeyey inay dilaan hogaamiyihii Al Qacida Osama Bin Ladin.

usama and doktor

Dr. Shakil Afridi oo la shaqeenayey sirdoonka CIA ayaa sanadkii 2011 baaritaan caafimaad ku sameeyey qaar kamid ah qoyska Osama oo ku dhuumaaleysanayey magaalada Abbottabad ee dalka Pakistaan, si haybtooda loo aqoonsado, kahor intaan ciidamada Maraykanka weerarka ku qaadin gurigii ay ku dhuumanayeen Osama Bin Ladin iyo qoyskiisa.
Kadib hawlgalkaasi ayey dowlada Pakistaan xabsiga dhigtay Dr. Shakil Afridi oo ugu danbeyntii lagu xukumay 23 sano xabsi ah, isagoo lagu eedeeyey inuu gacan siinayey kooxda hubeysan ee lagu magacaabo Lashkar-e-Islam. Inkastoo aan lagu soo oogin wax danbi ah oo la xariira kaalintii uu ku lahaa dilkii Osama Bin Ladin.
Dr.Afridi oo racfaan ka qaatay xukunkaasi ayaa muddo dheer dib loo dhigayey maxkamadiisa Racfaanka oo lagu wado in ay dhacdo 31ka bishan May.
Dowlada Pakistan ayaa 27kii bishii hore ee April ka wareejisay dhakhtarkan xabsigii lagu hayey taasi oo keentay shaki badan iyo qaar kamid ah saxaafada dalkaasi oo sheegay in ninkaasi lagu wareejinayo Dowlada Maraykanka oo marar badan ka codsatay Pakistan in ninkaasi lagu soo wareejiyo.
Balse afhayeen u hadlay Wasaarada Arrimaha Dibada ee Pakistan ayaa sheegay inaysan jirin heshiis qarsoodi ah oo dhexmaray Pakistan iyo Maraykanka, isla markaana ninkaasi aan lagu wareejin doonin Maraykanka.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa xiligii uu doorashada ku jiray sheegay inuu ku cadaadin doono dalka Pakistan inay sii daayaan ninkaasi la shaqeeyey sirdoonka CIA-da.

universalsomali

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS