BALIGUBADLE MEDIA
Bulshadda Isticmaasha Baraha Bulshadda oo Maalmihii U Dambeeyay Si Adag U Qaadaa Dhigaysay Fashilka Dul Hooganaya Ururka Xuquuqal Insaanka
May 1, 2018 - Written by editor

dhalinyarta adeegsata baraha bulshadda ayaa maalmihii u dambeeyay si adag u qaadaa dhigtay fashil baahsan oo dul hooganaya ururka xuquuqal iinsaanka somaliland kaas oo ay ku macneeyeen inaanu ahayn urur ay u siman yihiin muwadiniinta somaliland balse si adag u takooray culimadda iyo dadka ehlu diinka ah

dafac

gudoomiyaha ururka xuquuqal insaanka somaliland guuleed darfac ayaa ka dhaga adaygay baaqyo kaga socday dhanka baraha bulshadda oo ku aadaana sababta ay uga muquurtaan xadhiga culimadda waxaanuu kaga jawaabay ereyo aan haboonayn isagoo sheegay inaanay wax masuuliyad ahi ka saarnayn culimadda arintaas oo ka yaabisay cid kasta oo maqashay

isku soo wada duuboo guuleed darfac ayaa maanta oo u dambaysay ka hadlayay xadhiga boqor buurmadaw halka uu ka muquurtay xadhiga culimadda sifadda sharci daradda ah uga buuxda xabsiyadda hargeysa sida sheekhii waynaa ee sheekh aadan cabdiraxmaan warsame

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS