BALIGUBADLE MEDIA
Boqor Buurmadoow Oo Dib Loogu Celiyanayo Maxkamadda Hargeysa
May 6, 2018 - Written by admin

Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadoow ayaa Racfaan ka qaatay xukun shan sanno oo ah oo ay dhawaan ku ridday maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ee magaalada Hargeysa.
Racfaanka uu qaadatay Boqor Buurmadoow ayaa la dhegeysanayaa 8-da bishan May, Boqor Buurmadoow ayaa la xidhay kaddib markii lagu eedeeyay in uu hadal ka jeediyay degaanka Carmo ee maamul gobolleedka Puntland, halkaas oo lagu caleema saarrayay mid ka mid ah Beeldaajiyayaasha degaanka.
Xukuumadda Somaliland ayaa ku eedeysay Buur Madoow in uu ku xadgudbay sheegashada madaxbanaanida Somaliland maaddaama uu baaq u diray Somaliland iyo Puntland isaga oo ugu baaqayay in ay kala qaadaan ciidamada isku horfadhiya deegaanka Tukarraq ee gobolka Sool.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS