BALIGUBADLE MEDIA
Dhageysiga Dacwadii Boqor Buurmadow oo Maanta Maxkamaddu Soo Gunaanaday
May 12, 2018 - Written by admin

Dhegaysiga dacwadda Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow ayay maxkamadda racfaanka ee Hargeysa maanta soo gabogabaysay kadib markii maxkamadda gobolku 26 April 5 sannadood oo xadhig ah ku riday. Waxa hadda la sugaya xukunka ay maalmaha soo socda soo saarayso maxkamadda racfaanka oo dhegaysi laba cisho qaatay soo afjartay.

buurmadaw

Waxa Khamiistii Maxkamadda racfaanka ee Hargeysa ka bilaamay dacwadda Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow oo racfaan ka qaatay xukun 5 sanno ah oo 26 April lagu riday.
Buurmadow oo ay difaacayaan 3 Qareen waxa dacwad ku oogay laba Qareen oo xeer ilaalinta ka socda waxaanu ku eedaysan yahay in uu madaxweynaha been farriimay hadallo Qaranka lid ku ahna uu ka jeediyay Puntland laakiin, Qareennadiisu niyad samaan ayay ka muujiyeen sida dhegaysiga racfaanka.
Waxa la eegaya go’aanka maxkamadda iyada oo ay isa soo tarayaan dalabyada ku saabsan in boqorka la cafiyo ee madaxweynaha loo jeedinayo

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS