BALIGUBADLE MEDIA
Madaxwaynaha Juba Land Axmed Madoobe oo Magaalada Addis Ababa Kula-Kulmay Qalbi Dhagax
May 6, 2018 - Written by admin

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa magaalada Addisa Ababa ee dalka Itoobiya waxa uu kula kulmay C/kariin Muuse Qalbi Dhagax oo u xiran dowladda Itoobiya.

adisababa
Kulankan oo la sheegay in uu saakay dhacay ayaa waxa uu madaxweyne Axmed Madoobe ku booqday halka uu ku xiran yahay Qalbi Dhagax, waxaana ay ka wada hadleen arrimo badan.
Sida wararka ay sheegayaan, Axmed Madoobe ayaa dhanka kale waxa uu dowladda Itoobiya kala hadlay sidii dib xorriyaddiisa loo siin lahaa Qalbi Dhagax.
Qalbi Dhagax ayaa ka tirsanaan jiray ONLF, waxaana 10 bil ka hor laga dhiibay magaalada Muqdisho.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS