BALIGUBADLE MEDIA
Wasiirka Maaliyadda iyo Wasiir-ku-xigeenka Waxbarashada oo Sifo Beelaysan u marin-habaabiyay Miisaaniyadda Waxbarashada ee 2018
April 2, 2018 - Written by admin

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Md. Yuusuf Maxamed Cabdi iyo Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Md. Cabdiqaadir Dhegaweyne ayaa markii ugu horraysay sifo reeraysan u majare-habaabiyay miisaaniyadda waxbarashada ee qaranka sannadka 2018.

wasiirka maaliyadda98

Wasiirradan ayaa Miisaaniyadda Wasaaradda Waxbarashada, qaybteeda kaalmada dugsiyada, ka saaray dugsiyo hore ugu jiray oo ku yaalla gobollada kala duwan ee dalka, iyaga oo taa beddalkeedana ku buuxiyay tiro dugsiyo ah oo deegaannada beeshoodu degto ku yaalla.

Dugsiyada miisaaniyadda sannadkan laga saaray ayaa waxa ka mid ah: Dugsiga Hoyga Qoryaale oo wacdaro ka gaystay Imtixaanaadkii ugu dambeeyay ee Shahaadiga ahaa iyo Dugsiga Beeraha ee Beer, waxaana taa beddalkeeda ka dhex muuqday miisaaniyadda cusub Dugsiyo hannaan reeraysan lagu xushay, kuwaas oo ay

ka mid yihiin, Dugsiga Balli-Mataan, Dugsiga Sallaxley, Dugsiga Haldoor iyo sidoo kale dhismaha dugsiyo cusub oo ay ka mid yihiin Ina Qarbooshe iyo Qoton Dabo oo dhammaantood ku yaalla deegaannada Wasiir-ku-xigeenka Waxbarashada iyo Wasiirka Maaliyadda.

Dhinaca kale, waxa miisaaniyadda sannadka aan lagu soo darin dhismaha dugsiga Balli Kaliil ee degmada Sabowanaag oo qorshaha Miisaaniyadeed ee Wasaaradda Waxbarashada lagu soo daray, isla markaana uu Madaxweynaha Qaranku hore u dhagax-dhigay xilligii ololaha.

Miisaaniyaddan ayaan sidoo kale wax mudnaan ah siinnin dugsiyada gobollada bariga, siiba dugsiga Hoyga Laascaanood iyo dugsiga hoyga Dayaxa, halka gebi ahaanba ay miisaaniyaddani iska indho-tirtay dugsiga ay ardayda tayada badani dalkeenna uga soo baxaan ee SOS oo gebi ahaanba hay’adihii gacanta ku hayn jiray faraha ka qaadeen.

Wararka xogogaalka ah ayaa waxay sheegayaan in Wasiir Faratoon aad uga xanaaqay kadib markii uu ku warhelay in sidan loo dhalin-geddiyay miisaaniyadda, isla markaana meesha laga saaray dugsiga sare ee Suldaan Maxamed Suldaan Faarax ee magaalada Hargeysa oo ah dugsi dawli ah oo leh duruufo u gaar ah, isla markaana aad uga durugsan magaalada oo ay ardaydiisa basas kiro ahi qaadaan, iyada oo aan ardaydana wax lacag ah laga qaadin basaskaas, isla markaasna aanay jirin wax macallimiin ah u gunnaysan, laakiin ay culayskaa dusha u ritaan dadka deegaanku.

Wasiir Faratoon oo maalin kadib markii uu xilka la wareegay booqasho gaar ah ku tagay dugsiga sare ee Suldaan Maxamed ayaa la sheegay inuu ka cadhooday maadaama uu hore u ballanqaaday inay ka dawlad ahaan culayska dugsigan iyagu la wareegi doonaan, dibna aanay u dhici doonin in culayska dugsigan dawliga ahi ku fakado dadweyne shicib ah oo kali ah.

Dugsiga Suldaan Maxamed ayaa labadii sannadood ugu dambeeyay lagu waday is-xilqaan bulsheed, iyada oo muddadii Xukuumaddii hore jirtay uu si gaar ah isaga xilsaaray Wasiirkii Waxbarashada ee wakhtigaa Md. Cabdillaahi Ibraahin Habbane, isaga oo Wasiirka cusub Faratoonna ay ka go’nayd inuu la wareego dhammaan culasyada dugsiga, bal se waxa aan la saadaalin karin sida uu dugsigaasi u sii furnaan karo, iyada oo rejada keli ah ee u furani ahayd in uu miisaaniyadda 2018 ka soo dhex muuqdo.

Si kastaba ahaatee, Wasiir-ku-xigeenka Waxbarashada oo mar kasta ku faana inuu Madaxweynaha abti u yahay iyo Wasiirka Maaliyadda ayaa qoondadii Wasaaradda Waxbarashadu u samaysay Dugsiga Sare ee Suldaan Maxamed Suldaan Faarax ku beddalay dugsiga Sallaxley, iyada oo tani muujinayso siyaalaha leexsan ee indho-la’aanta ah ee Masuuliyiintii dhallinyarada ahayd ee Madaxweynuhu magacaabay ugu tagri faleen awoodaha Dawladda.

Faro-galintan leexsan ee ay Wasiir-ku-xigeenka Waxbarashada iyo Wasiirka Maaliyaddu ku sameeyeen miisaaniyadda Waxbarashada ayaa dhacday horraantii sannadkan, muddadii uu Wasiirka Waxbarashada Md. Yaasiin-Faratoon shirka ugu maqnaa dalka Senegal.

Waxyaabaha layaabka leh ee Miisaaniyaddan lagu daray ayaa waxa ka mid ah Dugsiga Kuwaytiga, oo aan la garan karin sababaha dugsiga caynkaas ah loogu xishay, iyada oo laga warqabo baylahaha ee tiro beelay ee dul hoganaya dugsiyada dawladda.

Isku soo wada duuboo, Golaha Wakiillada Somaliland oo metala dhammaan shacabka gobollada kala duwan ee dalka ayaa waxa la gudboon inay waajibkooda dastuuriga ah ka gutaan miisaaniyaddan, isla markaana ay wax ka beddal bulshada wada-deeqa oo caddaalad ah ku sameeyaan miisaaniyadda 2018.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS