BALIGUBADLE MEDIA
Qunsulka Turkiga U Jooga Hargeysa Oo Sheegay In Shirkada Turkish Airlines Ay Duulimaadyo Ka Bilaabi Doonto Somaliland
April 1, 2018 - Written by admin

Shirkadda Diyaaradaha ee laga leeyahay Waddanka Turkiga oo lagu magacaabo Turkish Airlines ayaa qorshaynaysa in ay duulimaadyo ka bilawdo Somaliland.

turkish

Duulimaadyadda Diyaarada Turkish Airlines oo noqonaysa markii ugu horeysay ee ay somaliland ka bilawdo ayaa in kasta oo aan la xaqiijinin goor ay sida rasmiga ah u bilaabi doonto, ayaa waxa sidaasi cadeeyay qusulka Dawladda Turkiga u joogga Hargeysa.

Ali Noyan Qusulka Dawladda Turkiga ayaa khamiistii la kulmay

Wasiirka Arrimaha Dibadda Ee Somaliland, waxaanu halkaasi ka cadeeyay in Diyaaradda Turkish Airline ay bilaabi doonto Duulimaadyo isku xidhi doona Somaliland iyo Dalka Turkiga.

Haddii ay hir gasho Diyaaradda Turkish Airline ayaa waxa ay ku soo biiri doontaa suuqa duulimaadyadda ee ka furan somaliland, waxaana hore duulimaadyo kala duwan uga bilawday Somaliland Shirkaddaha Air Arabia iyo Fly Emirates oo laga leeyahay wadanka UAE.

Dawladdaha Turkiga iyo Imaaraadka Carabta ayaanu xidhiidhkoodu wanaagsanayn, waxaanu sii xumaaday markii ay dawladdaha Xulafada Gacanku ay xidhiidhkii u jareen wadanka Qatar.

hadaba waxa loo wada joogi doonaa duulimaadyadaasi labada dawladood ee ay xurguftu ka dhaxaysaa ay ka wada bilaabayaan somaliland, iyada oo uu sidoo kale Qusulku xusay in ay somaliland ka hir gelin doonaan mashaariic horumarineed.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS